Kolonyo gaadiidka Is-wada oo markii ugu horeysay Laami cagta saarey |

Thu08282014

Last update12:14:56 PM

Back Tech Technology News Business Tech Kolonyo gaadiidka Is-wada oo markii ugu horeysay Laami cagta saarey

Kolonyo gaadiidka Is-wada oo markii ugu horeysay Laami cagta saarey

Aladaha \ Business Tech Waa Wax markaa aad maqano ama aad aragto aad la yaabi doonto, Haddaba fikradii shirkada Google ay soo bandhigtey ee la xiriiray in baabuurtu darawal la’aan is wadi karaan Ayaa Waxaay u muqataa in taasi haatan lagu guuleystey.  

Shirkada Volvo ee laga leeyahay wadanka Sweden ayaa soo bandhigtey tijaabo ay ku guuleysatey oo la xiriirta kolonyo gawaarida is-wada iskood, kuwaasi oo waliba ku dhex socdey Wado weyn (High Way) oo ku taal banaanka magaalada Barcelona ee dalka Spain.  

 Gaari uu wado darawal caadi ah ayaa horgal u noqdey sadex baabuur oo ah nooca Is-wada kuwaasi oo ahaa kolonyo waxaana ay socdeen masaafo ku dhaw 200KM, taasi oo aheyd tijaabo lagu guuleystey sida bogeeda Internet-ka ay ku shaacisay shirkada Volvo.  

 Gawaaridan waxaa lagu rakibay qalab kala duwan oo la xiriira bad-qabka wadooyinka, sida Kaamirooyin, Raadar, dareemayaal Laser ah kuwaasi oo gacan ka geysanaya sidii gaarigu ugu socon lahaa wadada uuna uga weecan karo gawaarida kale, isla markaana ugu hogaansamayo sharciyada kale ee wadooyinka sida Nalalka Baaburta lagu kalahago ama Samaafarayaash, iyadoo xarunta shirkada Volvo lagula soconayo gawaaridaasi halka ay marayaan.  

 Linda Wahlstrom oo ah maamulaha mashruuca Iskaashiga gawaariada ee shirkada Volvo ayaa gawaaridaasi Iskood isku wada midkood Dhex fadhidey, hase yeeshee shukaanta gaariga (Steersadda),Baaburka iyo Sheelaraha midkoond gacmaha iyo lugaha may saarin, waxay uun aheyd rakaab gaariga iska dhex fadhiya maadama gaarigu uu ahaa mid iskiis isu wadey oo aan u baahneyn wax darawal ah.  

Gawaaridan ayaa ku socdey xawaare socod oo gaaraya 85 kmp (Saacadii 85 km) oo u dhiganta 53 mph (mile per houre).Mid ka mid ah gawaarida oo haweenay shukaanta fadhida Journal iska aqrisanayso   “Waxay aheyd arin yara xiiso leh, waayo gawaarida aynu isdhaafaynay dadka saarnaa waxay aad ula yaabanayeen gaariga aan dhex fadhiyo oo aanan ka aheyn darawalka, taasi oo aheyd arin dadka soo jiidatey” ayey tiri Linda Wahlstrom.  

 Linda Wahlstrom waxay talaabadan lagu guuleystey ku tilmaamtey arin ku saleysan horumarka dhanka technology-da ee dunida ku talaabsatey.   “Qorshahan wuxuu dhiirigalin u sameynayaa ama horumar u yahay in darawaladu si raaxo leh gawaarida isaga dhex fadhiyaan, iyagoo qabsanaya hawlood kale xiliga socodka gaariga, tusaale ahaan waxay adeegsan karaan Lat top, akhrin buug, ama ay xaga dambe ee kuraasta gaariga inta fariistan iskaga raaxaysan karaan cunto cunid” ayaa lagu yiri warbixinta ka soo baxdey shirkada Volvo.  

Docda kale shirkada Volvo waxay ku macneysay qorshahan mid gacan ka gaysanaya amaanka wadooyinka iyo gaadiidka, iyadoo sidoo kale xadeynta xawaaraha gaariga uu gacan ka geysanayo wasaqeynta hawada ee gaadiidka.  

Horaantii sanadkan waxaa dalka Mareykanka gaar ahaan gobolka Nevada shirkad Google ku soo bandhigtey baabuur Toyoto ah oo ay ku rakibtey qalab suurtagal ka dhigaya in gaarigu iskiis is-wado, ka dib markii arinkaasi lagu guuleystey gobolkaasi haatan waxaa ruqsada fasaxa socodka gaadiidka lagu darey in gaarigaasi uu wadooyinka dhex qaadi karo.

 

Axadle International Monitoring- Tech

 

Kolonyo gaadiidka Is-wada oo markii ugu horeysay Laami cagta saarey
Related Posts:
Facebook is testing a ‘pay to be popular’ option to make help users get noticed by their friends
Iskuulka Dhaqaalaha ee Stockholm (Handelshögskolan i Stockholm) ayaa galay kaalinta 1-aad ee 30 jaa