Maamul xumo iyo Mareyn la'aanta dhaqalaha Xiriirka Kubada Cagta Djibouti Ma Xalin doona Suleymaan Xasan Waaberi Haddii La doorto, |

Wed09032014

Last update11:34:20 AM

Back Sport Sport News Boxing Maamul xumo iyo Mareyn la'aanta dhaqalaha Xiriirka Kubada Cagta Djibouti Ma Xalin doona Suleymaan Xasan Waaberi Haddii La doorto,

Maamul xumo iyo Mareyn la'aanta dhaqalaha Xiriirka Kubada Cagta Djibouti Ma Xalin doona Suleymaan Xasan Waaberi Haddii La doorto,

Cayaaraha \ Cayaaro Doorashada xiriirka kubada cagta ee Dalka Djibuuti ayaa lagu dhawaaqay in ay dhici doonto 10-ka bishan November Sabtidda Soo Socota Haddii Allah Awooda leh ogolaado halkaas oo ay soo gaari doonaan saraakiil sar sare oo ka socota Urrurka kubada cagta aduunka ee lo Yaqaan FIFA si ay goob joog uga ahadaan doorashada, Sidaa Waxaa Yiri Suleymaan Xasan Waaberi oo ah xeer ilaaliye FIFA iyo Macalinka garsoorka ee CAF una taagan jagadaas.

Sidaa La sadaalinaayo isbedel kaste oo yimaado Wax weyn kama badali doono Haddii aysan meesha ka bixin Maamul xumadda iyo mareyn la'aanta dhaqalaha FIFA uga Yimaado Djibouti ee ay Madaxda sare jeebka isaga shuban jirtey,Haddii uu Ku shaqeyo Qariiraddii ay dajiyeen Madaxdii ka horeysay Ee Aheyd in Lacagta FIFA sii so jeebka lagu shubto,Arriinta waxaay noqon doonta Hal bacad lagu lisaay, Inkasto uu Balan qadey in uu isbedel sameyn doono Shaqsiga Hadda uu tagan Tartanka Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Djibouti Suleymaan Xasan,

Wacusub ayaa uu Baryey ayaa la oraan kara Xiriirka kubada Cagta Mar Haddii Mugdigii ay ku jireen mudo 20 sano Ay ka baxayaan 10 Bisha November.

Tan iyo markii shaqada laga joojiyay guddoomiyihii hore waxaa jiray habacsanaan ku timid xiriirka Djibuuti oo aan lahayn maamul sare waxaana ku sime sii ah guddoomiye ku xigeenka Yaasiin Maxamed Yaciin iyo xogheynta oo shaqada sii wada wali.

Naadiyada kubada cagta Dalka Djibuuti oo ah kuwa leh awooda doorashada ayaa ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada xiriirka dalka Djibuuti halkaas oo sanadihii lasoo dhaafay horumar xaga kubad cagta ah laga dareemayay. Waxaa ay ahayd bishii June ee danadkan markii naadiyada dalkaasi ay sheegeen inay shaqadii ka hakiyeen guddoonkii hore taa badalkeedana ay guddoomiye u doorteen Mr Suleyman.

Laakin doorashadaas waxaa diiday FIFA maadaama goob joogayaal FIFA ka socday aysan meesha joogin, waxaana loo qabtay bishan tobankeeda in doorashadu dhacdo lanasoo diro saraakiil FIFA ah oo goob jog ka noqota doorashada.

Shaqo Jooginta Lagu Sameyey Maamulki Hore Ayaa timid Kadib Maamul iyo Mareyn xumo la'aan dhaqalaha Ka soo Gala Gudiga sare ee kubada Cagta Djibuuti Xiriirka Kubada Cagta ee FIFA oo Jeebka laysaga shubaan jiraay Taas oo Ay Naadiyada Dalka Djibouti Ay ka Qeyliyeen in Mareyn Wanaagsan iyo Maamul subaan lo helo sii Kor logu Qaado Magaca Naadiyadda Dalka Djibouti,

“Waxaa socda diyaar garowga doorashada waxaana rajeyneynaa in habacsanaanta jirta ay halkaa kusoo dhamaato doorashada kaddib.

Suleymaan ayaa hada ah murashaxa keliya ee doorashada u taagan "Hadii aan nahay naadiyada dalka ka jirana isaga ayaan dooran doonaa” sidaasi waxaa tiri Faadumo Muuse Diiriye oo ah maamulaha naadiga Dekedaha ee dalka Djibuuti.

Faadumo waa gabadha keliya ee naadi heerka 1-aad ah macalin ka ah qaarada Afrika oo dhan waxaana kooxdeedu ay sanadkan ku guuleysatay horyaalka heerka 1-aad ee dalka Djibuuti.

Naadiyadda Dalka Djibuuti Ayaa U muqda kuwo Mugdigii Ay ku jireen Ka baxaya, Balse waa Haddii Hab u socodka Maamulka soo socda Wax uu ka badalo Maamulkisa iyo mareynta Dhaqalaha Ka yimaada Gudiga FIFA ee Ah Addun Dhan 45 Malyan oo Dollar oo Jeeb Qura ku dhici jiraay Awal.

 

Qore Ali Musa

Axadle International Monitoring

Maamul xumo iyo Mareyn la'aanta dhaqalaha Xiriirka Kubada Cagta Djibouti Ma Xalin doona Suleymaan Xasan Waaberi Haddii La doorto,
Related Posts:
Match officials often face a torrent of abuse from angry players and on some occasions the
Guddoomiyaha Xiriirka kubada cagta dalka Jabuuti Suleymaan Xasan waaberi oo ku sugan xarunta FIFA uu
Xiriirka kubbadda cagta Zambia ayaa dacwad ay kaga cabanayaan xaqiraad loo gaystay cayaaryahan Zambi
Iyadoo maanta dunida oo dhan indhaha lagu eegayay ciyaaraha olombikada ee ka socda magaalada London
Gabadha Djibouti u mataleysay Ciyaaraha Olimbikada Aduunka Zourah Ali ayaa kaalinta 7aad ka gashay w
Jessica Ennis made a flying start in the heptathlon, setting a world best time in the hurdles. The 2