Indhoole Masjidka 5-ta salaad ku tukuda |

Tue09022014

Last update10:01:03 AM

Back Life Life and Style News Fashion & Beauty Indhoole Masjidka 5-ta salaad ku tukuda

Indhoole Masjidka 5-ta salaad ku tukuda

Bulshadda \ Fashion and Beauty Tukashada Salaada waxay ka mid tahay shanta qodob ee aasaaska u ah Islaamnimada, iyadoo ay u tahay hogaan camal kasta oo qofka Muslimka ah uu sameeyo, maadama ay tahay ay ku tahay faral qof kasta oo Muslim ah oo da’da qaangaarka gaarey, waana camal xisaabtankiisa iyo ajarkiisa uu leeyahay ALLE subxaanuhu Watacaalla.  

Waajibaadkan diineed ee salka u ah Islaamnimada, dad badan oo caafimaad & xoog ALLE ugu deeqay ayaan gudan salaada,kuwaasioo fududeysta ama si kas ah uga taga, waxaana la isku raacsan yahay in qofka oo ka taga ama dayaca salaada ay halis ku jirto Muslimnimadiisa, maadama ay tahay xiriirka rasmiga ah ee ka dhaxeeya ALLE SWT, iyo adoomkiisa, iyadoo gudashadeeduna ay tahay camal ka mid ah camalada ugu wanaagsan ee ILAAH loogu dhawaado.

Ummadda Muslimiinta waxay duco iyo maashaa ALAAH hal mar afka ku boobeen markii dhawaan Telefishinada uu ka soo muuqdey nin indho la’a oo u dhashay wadanka Sacuudiga oo shanta salaadood ku tukuda Masjid ku dhaw gurigiisa kaasi oo uu ku tago si xirfad leh, iyadoon qofna gacanta qaban ama aanu hagin.  

Ninkan ayaa Masjidka ku taga xarig uu ku soo xirtey bir koronto (baalle) ku yaal albaabka Masjidka , halka afka kalena ugu xiran yahay gurigiisa kadinkiisa, isagoo qabsada xarigaasi sidaasi ku taga Masjidka uguna soo laabta gurigiisa.   Ninkan oo mudo indho la’aa ayaa lagula taliyey in aanu isdhibin oo uu gurigiisa ku tukuado hase yeeshee wuu ka biyo diiday talo soo jeedintaasi, isagoo sheegay in shanta salaadood ee faralka ah uu ku doonayo in uu ku guto Masjidka .  

Muuqaalka video laga duubay ninkan oo ka baxaya gurigiisa isagoo ku labisan qamiis ayaa waxaa ka muuqata isagoo si deganaan ah oo aan cabsi ama walwal ku jirin u socda, gacanta ula raacaya xariga isku xiraya gurigiisa iyo iyo Masjidka.  

 “ILAAH ayaa ninkan indhiisa ka qaaday araga, balse kama aanu qaadin cibaadada iyo caqliga” ayuu qoray maalinlaha ee Al-Saudeh ee dalka Sacuudiga ka soo baxa oo qisadan soo gudbiyey.  

Link-ga hoose ka daawo vidoe ninkan oo Masjidka u socda iyo sida xeelada ah ee uu ku tago

 

Axadle International Monitoring- Saudi Arabia

Indhoole Masjidka 5-ta salaad ku tukuda
Related Posts:
Wariye ka tirsan Telefishinka caanka ah ee Fox News ee laga leeyahay wadanka Mareykanka ayaa hurdo l
Cilmi baaris ayaa lagu sheegay inay inta badan dadka marykanka ah ee da’da ah ay la il diranyihiin
Ipsum sagittis venenatis Phasellus pretium pretium Suspendisse lorem accumsan non montes. Tellus
Nibh leo a mauris ipsum justo convallis nunc at orci Fusce. Quis cursus condimentum mollis sempe
Est Cum elit consectetuer consectetuer semper Maecenas augue enim felis Nam. Tortor pretium orci
Ut Mauris elit ipsum Pellentesque nec porta ipsum massa risus nisl. Nibh vitae metus eget ut con