John Terry ayaa Si lama filaan ah Xalay fiidkii ugu dhawaaqay in uu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah |

Fri08292014

Last update12:14:56 PM

Back Sport Sport News Cricket John Terry ayaa Si lama filaan ah Xalay fiidkii ugu dhawaaqay in uu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah

John Terry ayaa Si lama filaan ah Xalay fiidkii ugu dhawaaqay in uu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah

Cayaaraha \ Horyaalada Kabtankii hore ee wadanka Ingriiska John Terry ayaa ku dhawaqay in uu ka fariistay ciyaaraha heerka caalami ee xulka Qaranka Ingriiska.Isaaga Ku saleyey Kafadhisigiisa Dacwada Lagu soo ogey

Terry oo 31 jir ah ayaa maanta kiis dacwad lagu soo ogahay hor taagi doona maxkamada gaar ah ee xiriirka Kubada Cagta ingiriska ,laakin inta aan maxkamadas laga gaarin ayuu xalay goor danbe ku dhawaqay in uu soo af jaray waayihiisii xulka Ingiriska.  

Waxaa uu isku casilay qaabka ay ula macaamilayaan xiriirka FA –ga oo wali daba jooga isagoo ay Maxkamada rasmiga ah dambi ku weysay Sii Dacwadii loo Meel Mariyo .  

Laacibkaan ayaa xulka England ka tirsanaa tan iyo 2003-dii waxaana uu usaftay 78 kulan.  “Waxaan rabaa in aan si rasmi ah ushaaciyo caawa in aan ka fariistay ciyaaraha heerka caalami ee wadankeyga”  

Waxaan jeclahay in aan umahad celiyay dhammaan macalimiintii xulka England ee aniga ii soo doortey in aan Mataalo Dalkeyga ayuu yiri John Terry   Terry ayaa horey ereyadii Cunsuriyonimada ahaa ee uu ugeystay Aton Ferdinand ugu waayay kabtanimadii England,hadana arintaas darted ayuu isku casilay.

 

Axadle International Monitoring

John Terry ayaa Si lama filaan ah Xalay fiidkii ugu dhawaaqay in uu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah
Related Posts:
Magaalada Caasimada ee Roma saacada marka ay taha 10:45 waxaa ka dhacaya Kulan darbi oo dh
Kooxda Chelsea oo heysata horyaalka yurub ayaa galabta ku guul-darreysatay in ay noqoto horyaalka ad
Kooxda Barcelona ayaa Xalay ka Guuleysatey Kooxda Real Betis ayadoo sii dheereysatay Hogaanka H
Labo gool oo uu dhaliyay Michu ayaa ka saaciday kooxda Swansea in muddo 30 sanadood ah ka dib ay ka
Kooxda Chelsea ayaa waxaa soo gaaray guul daraddii ugu horeysay horyaalka ingiriiska xilligan kadib
Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa dhaleeceeyay kooxaha boorsooyinka waa weyn ee qaarada y