Man utd oo 8 Qof kadib ku Dhirbaxo guuldaro ku Garsisay Garoonka Koxda Chelsea iyo Liverpool iyo everton oo dhibcaha qeybsaday |

Wed09032014

Last update11:34:20 AM

Back Sport Sport News Cricket Man utd oo 8 Qof kadib ku Dhirbaxo guuldaro ku Garsisay Garoonka Koxda Chelsea iyo Liverpool iyo everton oo dhibcaha qeybsaday

Man utd oo 8 Qof kadib ku Dhirbaxo guuldaro ku Garsisay Garoonka Koxda Chelsea iyo Liverpool iyo everton oo dhibcaha qeybsaday

Cayaaraha \ Horyaalada Kooxda Chelsea ayaa waxaa soo gaaray guul daraddii ugu horeysay horyaalka ingiriiska xilligan kadib markii kooxda Man utd oo ay ku marti galisay garoonkeeda galbeedka London ku yaalla looga badiyay 3-2.  

Manchester utd oo labo gool deg deg ah hogaanka ciyaarta ku qabatay 20-kii daqiiqo ee ugu horeeysay oo mid kamid ah goolashaas uu aha mid uu iska dhaliyay daafaca Chelsea David Luiz halka kan 2-aad uu dhaliyay Van Persie ayay Man utd ku hogaaminaysay inta badan qeybtii hore ciyaarta.  

Chelsea ayaa gool Laad xor ah waxaa u dhaliyay ka hor inta aysan dhamaan qeybta hore ciyaarta Xidiga Juan Mata kaas oo kubad qurux badan dhex dhigay shabaqa Man utd daqiiqaddii 44-aad ee ciyaarta.  

Markii qeybtii 2-aad laysugu soo laabtay ayaa waxaa kooxda Chelsea u suura gashay inay hesho goolkii 2-aad ahaana kii bar baraha waxaana u dhaliyay ciyaaryahanka reer Brazil Ramires daqiiqaddii 53-aad.  

Chelsea ayaa 10 daqiiqo kadib markii ay soo bar  bareeysay goolka waxaa laga saaray oo caalamadda casaanka ama Roosaha loo taagay Branislav Ivanovic taas oo sii murjisay xaalka Chelsea waxaana daqiiqado kadib isna laga saaray Fernando Torres oo loo taagay calaamadda Casaanka daqiiqaddii 69-aad.  

Naadiga Man utd ayaa culeeska saartay sidii ay u heli lahayd goolka guusha iyadoo kaashanayso qaar kamid ah xidigaheeda weerarka taas oo ugu dambeyn gool u dhaliyay weeraryahanka reer Mexico Hernandez ay guusha ku raacday Manchester utd inay 3-2 ugu badiso kooxda Chelsea.  

Guul daradaan ay Chelsea kala kulantay kooxda Man utd ayaa noqonayso guul daradii ugu horeysay ee soo gaartay kooxda Chelsea muddo 10 sanno ah waxaana ugu dambeysay Chelsea oo Man utd ay ugu badiso garoonkeeda 2002.  

Dhinaca kale kooxaha ka dhisan magaalada Liverpool ayaa kulankoodii derbiga ahaa waxay ku qeybsadeen dhibcihii ciyaarta kadib markii ay isla dhaafi waayeen 2-2.   inkastoo Liverpool ay guusha u dhaweed hadana Everton isma aysan dhigan oo ciyaarta waxay muujisay karti dheeri ah waxayna sii bar bareeysay 2-0 la gaarsiiyay daqiiqadihii hore laakin si la yaab leh ayay kusoo bareejeysay.

 

Soo Turjume Ali Musa

Axadle International Monitoring

Man utd oo 8 Qof kadib ku Dhirbaxo guuldaro ku Garsisay Garoonka Koxda Chelsea iyo Liverpool iyo everton oo dhibcaha qeybsaday
Related Posts:
Magaalada Caasimada ee Roma saacada marka ay taha 10:45 waxaa ka dhacaya Kulan darbi oo dh
Kooxda Chelsea oo heysata horyaalka yurub ayaa galabta ku guul-darreysatay in ay noqoto horyaalka ad
Kooxda Barcelona ayaa Xalay ka Guuleysatey Kooxda Real Betis ayadoo sii dheereysatay Hogaanka H
Labo gool oo uu dhaliyay Michu ayaa ka saaciday kooxda Swansea in muddo 30 sanadood ah ka dib ay ka
Kabtankii hore ee wadanka Ingriiska John Terry ayaa ku dhawaqay in uu ka fariistay ciyaaraha heerka
Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa dhaleeceeyay kooxaha boorsooyinka waa weyn ee qaarada y