La Wadaag

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu safar ku tago dalka isutagga Imaaraadka Carabta, kaasoo noqon doona safarkii labaad, tan iyo marka xilka Madaxweynaha loo doortay bishii February ee sanadkan.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa muddooyinkii u dambeeyay aad u liitay, kaddib Xiisaddii Khaliijka oo Xukuumadda Soomaaliya ka qaadatay mowqif dhex dhexaad ah, taasoo u horseeday mowjado siyaasadeed oo gudaha iyo dibadda uga furmay.

Safarkan ayaa lagu sheegay inuu ka duwan yahay socdaalkii bishii April ee lagu micneeyay isbarashada, waxaana uu ku soo aaday xilli xaalado siyaasadeed oo isbiirsaday ay taaggan yihiin, sida mowqifkii dowladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafkii Khaliijka, faragelinta siyaasadeed ee Imaaraadka ku haayo arrimaha gudaha Soomaaliya, tusaalle ahaan taageerida Imaaraadka ee Maamul goboleedyada, kuwaasoo horay ula saftay Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ee xiriirka u jaray Qatar

Xaalado kala duwan oo siyaasad iyo amni ayaa ku hareereysan safarka Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Imaaraadka oo siyaasadihiisa faragelineed ay dunida carbeed iyo qaar ka mid ah wadamada Asia ay gilgileen wixii ka dambeeyay kacdoonkii lagu riday Madaxweynayaashii Masar, Libya, Tunisia, Yemen iyo kuwa kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa olole xooggan ugu jira in isfaham buuxa uu la gaaro qoysaska kala maamula Abu Dhabi iyo Dubai, si uu u xakameeyo galaangalka siyaasadeed ee ruxay dowladdiisa labadii bilood ee ugu dambeeyay.

Muhimadda koowaad ee safarka Madaxweynaha ee Imaaraadka Carabta ayaa ah in ugu horeyn uu soo xiro albaabka Siyaasiyiinta mucaaradka iyo Maamul goboleedyada oo Imaaraadka Carabta ay taageerto.

Tan labaad waxaa hubanti ah in Madaxweyne Farmaajo la hortago Imaaraadka Siyaasad furfuran iyo tanaasulaad, iyadoo la og yahay ragga ku hareereysan ee xafiiskiisa jooga inay xiriir dhow la leeyihiin Qatar, go’aanada Villa Soomaaliya ay wax ka gooyaan.

Safarkii Madaxweynaha ku tagay bil ka hor Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa la rumeysan yahay inuu yareeyay culeyskii saarnaa dowladdiisa, waxaana hadda Madaxweynuhu doonayaa inuu bog cusub u furo xiriirka dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ah dalal kala dhaxeeya iskaashi dhinacyo kala duwan leh.

Arrimaha kale ee iyana isha lagu haayo ayaa ah safarka kale ee Madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Koofur Galbeed ku tagayaan Imaaraadka Carabta, iyo waxa xilligan isku soo beegay, iyadoo horay loo ogaa in Imaaraadka taageero dhaqaale siiyay maamuladan, markii ay ka soo horjeesteen go’aankii dowladda Federaalka ka qaadatay Xiisada Khaliijka.

Lama oga waxa kasoo bixi doona safarka Farmaajo ee Imaaraadka, hase yeeshee xaqiiqda jirta ayaa ah in isku soo dhowaansho kasta oo halkaas ka dhacday ay caqabad ku tahay wakiiladii horey loogu xil saaray inay dowladda ridaan.

Leave a comment

La Wadaag
REPORTER

I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer.
I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it.
I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.