La Wadaag

Hadda way dhamaatay xiisaddii ka dhalatay dooddii baarlamaanka ee dib-u-eegista xilka Wasiirka Dastuurka Cabdi Xoosh. Laakiin waxaa jira cashir-siyaasadeed weyn oo laga baran karo arrintaas, oo anfici laheyd xukuumaddan ama kuwa kale ee imaan doona.

Marka koowaad, waa in xildhibaannada mucaaradka ah ay ku guuleysteen inay kasbeeyaan oo si xoog leh ay u cabsi geliyaan dowladda lix bilood jirka ah.

Waxa ay sameeyeen dhoolla-tus siyaasaadeed oo ay isugu muujinayaan inay yihiin koox si heer sare ah u abaabulan, una xoog badan, dowladduna waxa ay ula dhaqantay sida ay isu muujiyeen.

Xafiiska Madaxweynaha, kan raysul wasaaraha iyo siyaasiyiin kale ayaa xooggooda iyo xeeladdooda isugu geeyay si xildhibaannada looga fujiyo wasiir Xoosh. Waa lagu guuleystay, dowladduna way qanacsan tahay, laakiin haddana way guuldarreysatay.

Waxa ay dayacday fursad weyn oo ay ku ogaan kartay tirada xildhibaannada raacsan iyo awoodda kuwa kasoo horjeeda.

Waxa ay lumisay fursad ay ku kala astaysan kartay xildhibaannada isku dhex jira ee hadba meel u wada sacbiya iyaga oo is diiddan ama codkoodu uu kala qeybsan yahay.

Taa waxa ay ku gaari kartay dowladda oo dedaal iyo xoog aan ku bixin ‘mooshinka bilaa lacagta ahaa’ ee loogu hanjabay in xilka looga qaado wasiir Xoosh.

Dowladda labo jeerba guul ayay u noqon lahayd haddii mooshinka la meelmarin lahaa ama la tuuri lahaa.

Haddii uu mooshinku guuleysto, waxa uu u noqon lahaa cashir ay ku ogaato kalsooni-yarida uu baarlamaanku ku qabo dowladda, taas oo u noqon laheyd fursad soo dedejisa ‘isku-shaandheynta Golaha Wasiirrada’ ee uu tashigeedu weli socdo.

Waxaa kale oo ay natiijada mooshinkaas u adeegsan laheyd kala furfurka iyo kala-sooca xildhibaannada kasoo horjeeda.

Taas waxa ay dhabarka ka jabin laheyd xildhibaannada mucaaradka ah oo ay waqti dheer ku qaadan laheyd inay dib isu soo abaabulaan, si ay mar kale mooshin uga keenaan xukuumadda. Dowladda cimrigeeda ayaa sii dheeraan lahaa oo ugu yaraan lix bilood ilaa sanad kale mooshin la’aan ayay jiri lahayd.

Haddii uu mooshinku guuldarreysan lahaa, xornimo siyaasadeed ayay ka qaadan laheyd cago-jugleynta xildhibaannada mucaaradka ah.

Waxa ay ogaan laheyd in aysan u abaabulneyn, una xoog badneyn sida ay isu muujiyeen. Xildhibaannada mucaaradka ahna waxa ay u noqon laheyd guuldarro siyaasadeed oo lagu legday tijaabadoodii ugu horreysay ee ay ku sameeyeen dowladda.

Cabsi weyn ayaa ku dhici laheyd, dibna way ugu adkaan lahayd inay xilligan dhow ku dhiirradaan mooshin ka keenidda Xukuumadda ama xubin wasiir ah. Mar kale tani waxay xaqiijin lahayd inay dowladdu mooshin la’aan jirto lix bilood ama sanad kale.

Xukuumaddu fursadaas waa ay iska dayacday, oo waxa ay u qoordhiibatay cago-juglaynta iyo cabsi-gelinta xildhibaannada mucaaradka ah.

Waxay mucaaradka ku dhiirrigelisay keenista mooshinno isdabayaal ah oo xukuumadda ka mashquulin kara howlaheeda.

Ma sahlana in uu Golaha Shacabka isku aragti ka noqdo oo uu u codeeyo mooshin si gaar ah loogu bar-tilmaameedsanayo xubin wasiir ah sida Xoosh oo haddana aysan jirin cid lacag la dabo taagan oo ka difaaceysa in xilka laga qaado.

Xitaa haddii loo codeyn lahaa way adkeyd inuu cod aqlabiyad ah helo mooshinkaas, sababtoo ah qof keliya ayaa xilka weynaya ee kama dhignaaneyso in xukuumadda oo dhan meesha laga saarayo. Ma jirin faa’iido weyn oo xildhibaandu si gaar ah uga heli lahaayeen xil ka qaadista wasiirka.

Siyaasadda xooggeedu waa isku-dayga waxyaabo aysan natiijadooda si quman kuugu hubneyn, laakiin mudan in loo bareero.

Cali Maxamed Geedi oo raysul wasaare ahaa intii u dhaxeysay 2004 ilaa 2007 ayaa dhowr jeer u bareeray tijaabooyin siyaasadeed oo waaweyn oo uu baarlamaanku ku doonayay inuu xilka uga qaado ama ku cabsigeliyo.

Labo jeer wuu guuleystay oo mooshinkii baarlamaanka laga geeyay ayaa waayay cod ku filan si xilka looga qaado Xukuumaddiisa.

Geeddi iyo golihiisii wasiirradana dhiirranaan uun ayay ka qaadayeen guuldarrooyinka mooshinnada baarlamaanka.

Xukuumadda Kheyre waa ay seegtay istijaabinta noocaas ah oo ay ka heli laheyd dhiirranaan iyo firfircooni xoog leh oo cusub.

Mararka xiga ayay ka fiirsan kartaa, ama dowladaha dambe ayaa ka faa’iideysan kara.

W/Q: Muxyadiin Axmed Rooble

*Muhyadin Ahmed Roble waa tifaftiraha Raadiyaha Arrimaha Bani’aadanimo ee Ergo, iyo falanqeeye siyaasadeed oo ku takhasusay xiriirka caalamiga ah iyo siyaasada arrimaha dibada. kala xiriir Twitterka @MuhyadinR

Leave a comment

La Wadaag
A.M

I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer.

I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it.

I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.