La Wadaag

Warbixinta oo cinwaan looga dhigay “Soomaaliya waxay u baahan tahay siyaasad nabadeed uma baahna mid colaadeed” hoos ka aqriso.

Soomaaliya waxay u baahan tahay siyaasad nabadeed uma baahna mid colaadeed
Qodobada ugu muhiimsan

Meeshii ay abuuri lahayd jewi keeni kara xasilooni siyaasadeed, dowladda Soomaaliya waxay muruq, maal iyo magacba ku lumisay is-qab-qabsi macno darro ah oo ay kula jirto maamullada gobolada iyo xooggaga siyaasadeed.

Is-afgarad baahsan oo inta siyaasadda ku jirta ah ayaa ah waddada ugu sahlan ee dalka ku heli karo siyaasad xasillan, waana midda lagu gaari karo in al Shabaab laga guuleysto.

Khilaafka Khaliijku xasiloonida siyaasadda Soomaaliyeed waxa uu u keenay mushkilo weyn, isaga oo iska hor-keenay dowlad goboleedyada iyo xoogag kale oo siyaasadeed iyo dowladda federaalka.

Dhinacyada isku haya muranka Khaliijka, haddii ay daacad ka yihiin in ay Soomaaliya ku caawiyaan xidideysiga sookabashada curdanka ah, waa in ayan Soomaaliya kula soo galgalan loolankooda.

Is-afgaranwaaga siyaasadeed ee hadda taagan, waxaa fure u noqon kara, in si loo dhan-yahay loo dardar geliyo, loona guda-galo dib-u-eegista dastuurka; waxaase ka horreeya in inta siyaasadda iyo hoggaanka Soomaaliya saamaynta ku leh ay diyaar u yihiin in ay ka faa’iideystaan fursadda, xalna u helaan culaysyada haysta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Horudhac
14-kii Oktoober, Muqdisho waxaa gilgiley qaraxii ugu waxyeelada badnaa ee soo mara abid, kaas oo sababay dhimashada in ka badan 400 oo qof, boqolaal kalana dhaawacay.

Inkasta ooay adag tahay in la ogaado tirada dhabta ah ee masiibadani aafeysey, haddana, qaraxan oo dhulka dhigay dhismayaasha ku teedsan isgoyska mar kasta cammirnaa ee Zoppe, ee xaafadda Hodan, waxa uu sababay masiibo iyo burbur hantiyeed oo lagu qiyaasay malaayiin doollar.

Waxaase si cad u muuqanaya in musiibadaas loo baddeli karo fursad lagu mideeyo ummadda Soomaaliyeed, bulshadana lagu abaabulo si ay wadajir ugu wajahaan, talaabana uga qaadaan al Shabaab, kuwaas oo la tuhunsan yahay in ay falkaan ka danbeeyeen, in kasta oo ay ku dhici waayeen in ay sheegtaan, hallaagga uu geystey awgiis.

Weliba, dadka Soomaaliyeed caro ay ku midaysan yihiin ayay ka muujiyeen, bannaysiga ay al Shabaab ku bannaysteen, xasuuqa shacabka iyo burburinta xadka ka baxday. Soomaalida adduunka oo idilna waxay uga jawaabeen gurmad ay boqolaal kun oo doollar ay ugu arruurinayeen, dadkii ku waxyeeloobey weerarka.

Taageerada iyo gurmadka sidaas u baaxadda weyn, waa mid looga faa’iideysan karo in awoodda shacabka si wanaagsan loo jiheeyo.

Taasina waxa ay dhici kartaa oo keliya, haddii dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ay iska deyso hab-dhaqanka hadda laga aaminsan yahay ee qaleyfka ah ayna qaadato siyaasad dad-kasbasho iyo nabad-doonimo ku salaysan iyo in ay qaadato istiraatijiyad ku qotonta wax-isla-wadaagga inta siyaasadda ku jirta, gaar ahaan maamul-goboleedyada.

Bilihii la soo dhaafay, wixii horumar ahaa waxaa curyaamiyey, isku-dhacyo siyaasadeed oo is-daba socdey, oo u dhexeeyey dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

In kasta oo xiisadaha aloosan kuwooda ugu daran ay kiciyeen saamayn ka imaanaysey dibadda (sida xiisadda Khaliijka), mushkilooyin kale oo ay dowladdu iyadu samaysatay ayaa badnaa. Dhammaan arrimahaasna waxaaba sii cakirey culayska weyn ee amniga ka soo kordhay, sida uu daboolka ka qaaday weerarkii 14-kii Oktoobar.

Marka la isla akhriyo mashaakilada siyaasadeed iyo culaysyada kala duwan ee xagga amniga ka jira, waxaa imaanaya su’aalo aasaasi ah oo ku saabsan hoggaanka dowladda federalka, kartida dowladda, iyo in ay jiraan qorshe lagu xasilanayo siyaasadda loogana adkaan karo khatarta al Shabaab.

Is-afgaran-waaga siyaasadeed waxaa kale oo uu daboolka ka qaaday arrimo la xiriiraa hoggaanka maamul-goboleedyada iyo sida ay ugu nugul yihiin saamayn dibadeed. Kaba sii darane, khilaafyada jira waxay hoos u dhigeen yididiiladii ballaarnayd ee la socotey doorashii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Febraayo 2017.

Dadka Soomaaliyeed doorashada Farmaajo waxay ku soo dhaweeyeen farxad aad u weyn, waxayna u arkeen hoggaan nooc cusub ah kaas oo ay weheliso rajo, wateyna kalsooni, boorkana ka jafay Soomaalinimo. In kasta oo doorasha kastaa ay niyad iyo rajo abuurto, haddana doorashii 8-dii Febraayo ee Farmaajo waxaa si niyad ah loo arkayey fursad weyn oo laba kaclayn u horseedi kara Soomaaliya, oo ahaa waddan u hamuumnaa is-badel macno leh iyo in waddo cusub cagta loo saaro.

Dacdooyinkii Soomaaliya ka dhacay bilihii la soo dhaafay, ma ahayn kuwo yididiilo abuuraya. Sidaas oo ay tahayse, hoggaamiyihii aragti-dheer, wuu awoodaa in uu xaalad meel ka xukun ku socota u leexiyo meesha wanaaggu jiro.

Taasise waxa ay dhici kartaa oo kaliya marka hoggaamiyahaasi uu doonayo in jidkii hore uu ka leexdo muujiyana xikmad lagu xaqiijinayo maslaxada. Daraasad-cilmiyeedkan kooban waxay soo bandhigaysaa arragtiyo ka caawin karta dowladda federalka ee hadda dalka ka talisa iyo madaxda maamulada sidii khilaafka hadda jira ay ugu baddeli lahaayed fursad, si dalka horray loogu wado, iyada oo la wada jiro.

Asalka mushkilada

Waddada madaxda Soomaalida dhex-geysa khilaafka siyaasadeed, waa mid dadka u fiirsada ay aad u og yihiin, oo inta badan aan qalin-daarmin, isku sina u dhacda. Waxay ku bilaabantaa in uu hanto guul ballaaran, masuul aan markii hore la filayn in uu madaxweynenimada ku guulaysan karo, dadka la tartamaya oo ka tun weynaa ama qaabka wax loo-dooranayo oo dad kale ay diyaarsadeen awgeed.

Guushaas lama filaanka ah, waxay u keentaa musharixii madaxnimada helay in uu u qaato in guushiisa ay salka ku hayso taageero aan su’aal la gelin karin iyo idmanaan uu shacabka ka haysto, isaga oo moog (ama is moogaysiinaya) in doorashada madaxweynenimada Soomaaliya ay keento, wax kala badelasho, farsamooyin qaabab badan wadata iyo lacag.

Qofka ugu mudan ama midka aragtida wanaagsan badanaa ma guuleystaan, waayo dhowr boqol oo xildhibaan ayaa go’aanka rida, iyaga oo arrimo badan eegaya (lacag, colaad qof ay u qabaan, quuddarayn, ballan-qaadyo, iyo is-xulufaysi intaba).

Madaxda hoggaaminta ku cusub ayaa markaa si khalad ah u akhriya taageerada shacabka oo doorashada ku xiriirsan iyo taageerada caalamka oo ay deg-degta u helaan, waxayna u qaataan in ay idan u haystaan in wajiga siyaasadda ee dalka ay sida ay doonaan u baddeli karaan.

Qofkii uu Madaxweynuhu u doorto Ra’iisul Wasaare, ayaa si dhib-yar oo aan culays lahayn loo siiya kalsoonida baarlamaanka. Waase halkaas, meesha ay dhab ahaantii, ku dhamaato xamaasadda iyo xiisaha doorashada, ayna ka bilaabato farafootanka iyo is-fahan la’aanta siyaasadda.

Inta baan, ififaalaha isku-dhaca u horreeya waxa uu soo if-baxaa marka la dhisayo golaha wasiirada. Sidii madaxdii ka horreysey, Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxay u eg yihiin kuwo ku dhacay dabinadii madaxdii ka horreysey. Markay xulayeen xubnaha golaha wasiirada, waxay albaabada ka xirteen xukuumadana aysan wax uga darin xoogagga siyaasadda ee saamaynta leh, sida madaxda gobolada.

In kasta oo baarlamaanku kalsooni buuxda siiyey xukuumaddii uu Ra’iisul Wasaare Khayre dhisay, haddana mirihii kala shakiga iyo kalsooni xumada madaxda cusub iyo xoogagga siyaasadeed ee dalku waa ay abuurmeen. Kalsooni xumada iyo is-karhashaduna, waxa ay aalaaba bannaanka timaaddaa markii fursad ay soo kororto, gaar ahaan markii uu khalad ka dhaco madaxda dowladda.

Dowladduna khaladaad is-daba taxan ayay gashay bishii Ogosto.

Kow, shacab dhowr iyo toban ka badan ayaa diyaaradaha Maraykanku ku dileen tuulada Bariirre, taas oo ay qaylo-dhaan ka muujiyeen qaraabadoodii. Intii fashilkaas socdey, dowladda waxaa ka soo baxay ilaa afar war oo is khilaafsan oo kuligood la xiriira falka ka dhacay Bariirre.

Markii hore dowladdu tacsi ayay u dirtay qaraabadii dadkii ku waxyeeloobey shilkaas; waxaase xigtey in dowladdu ay ka noqoto tacsidii, oo ay ku adkaysato in wixii dhintay ay argagixiso ahaayeen. Is-barbaryaacaas iyo kala hadalkaasina waxa uu muujiyey, in karti xumo weyn ay ka jirto awoodda dowladda iyo sida ay dadka war-u-deeqsiin karto.

Labo, waqti kooban kaddib, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshdaha ayaa warqad adag u qortay Rugta Ganacsiga taas oo ay ku qornaayeen tilmaamo u dhawaa ruqsayn ay wasiiraddu ruqsaysay xubnaha Rugta.

Waxaase xigtay, in amarkii wasiirka laga noqday, raalli gelinna Rugta ay siiyeen madax sare oo dowladda ka tirsan.

Kaddib, sarkaal sare oo ka tirsan jabhadda ONLF ayay dowladdu u gacan gelisay Itoobiya. Abdikarim Qalbi-dhagax, waxa uu ahaa hawl-wadeen sare oo jabhaddaas u jooga Soomaaliya. Dhoofintii Itoobiya loo dhoofiyey isaga oo lagu eedeeyey aragagixisanimo waxay ku dhawaatay in ay xaalufiso sumcaddii iyo magacii Farmaajo ee ahaa in uu yahay waddani saf hore ah.

Waxaana ka dhashay in Soomaali badan ay hadda Madaxweyne Farmaajo u arkaan siyaasi la mid ah kuwa kale, waddaniyaddii uu ku dhawaaqi jireyna ay ahayd mid u nugul amarka Itoobiya.

Markii ay dareemeen culayska siyaasadeed, midka dasuur ama sharci ee arrinka Qalbi-dhagax, madaxda baarlamaanka Soomaaliya waxay dhiseen guddi isku dhaf ah ah oo arrinka eegta. Guddigaas waxaa waajibaadkiisa ka mid ah in ay arrinka dhiibista Qalbi-dhagax eegaan, ayna warraystaan madaxda sare ee dowladda, baarlamaankana ay warbixin ku soo celiyaan.

Taageerayaasha madaxweynuhu waa ay ku farxeen talaabadaas iyaga oo u arkay in culays uu ka degey madaxweynaha, dhanka kalase kuwa dhiibidda u arkay arrin gef ah, waxay ku adkaysteen in arrinta Qalbi -dhagax uu yahay qaddiyad taagan oo markay noqotaba, mar uun qarxi doonta.

Iska daba-imaadka dhacdooyinkaas, waxay abuureen dooda baahsan, caro shacab iyo sumcad xumo dowladda federaalka haleeshay. Arrimahaasina, waxay ka soo hor-mareen carqalado kale oo siyaasadeed, sharci, diblomaasiyadeed iyo kuwo amniba.

Waxaa ka mid ahaa: soo butaaca khilaafka dalalka khaliijka; khalkhalka hoggaameed ee qaar ka mid ah madaxda maamul-goboleedyadda iyo go’aanka gaar ahaaneed ee maamul-goboleedyadu ku gaareen Kismaayo in ay samaystaan gole iskaashi oo iyaga u gooni ah iyo weliba xaaladda amni oo dalka oo sii xumaanaya.

Saamaynta Khilaafka Khaliijka

Markii ay xasaradaha ka bilowdeen dalalka Khaliijka bishii Juun, dadka arrimaha Soomaaliya u dhuun daloola waxa ay saadaalinayeen in xasaraddan ay dhibaato u keeni karto Soomaaliya. Dalku waxa uuxiriir xooggan oo diblomaasiyadeed la leeyahay labada dhinac ee is-khilaafsan.

Balse dalalka go’doominta ku haya Qatar (Sacuudiga, Imaaraadka, iyo Masar) waxa ay cadaadis xooggan ku saareen hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay xiriirka u jaraan Qatar.

Inkastaa oo cadaadiskaasi jiray, haddana Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay qaadatay go’aan dhexdhexaadnimo. Waxa dhamaaday xilligii lacag la dhaafsan jiray madax bannaanida siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya. Sidaas ayay dad badan la ahayd.

Dhexdhexaadnimada Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xulufada Sacuudigu u fasirteen in ay la safatay Qatar. Go’aanka waxa uu ka careysiiyay maamul goboleedyada oo ay madaxdoodu bilaabeen in ay kasoo horjeestaan go’aanka dhexdhexaadnimo ee Dowladda Federaalka iyaga oo ku saleynaya xiriirka taariikhiga ah ee xulufada Sacuudigu la leeyihiin Soomaaliya.

Dhowr madaxweyne maamul goboleed ayaa u safray Abu Dhabi iyaga oo la sheegay in ujeedku aha in ay soo qaataan lacago islamarkaana ugu dhawaaqaan in ay la safan yihiin xulufada Sacuudiga, si cadna in ay uga soo horjeestaan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyaduba waxa ay qodobo taageeraya go’aankooda kasoo daliishadeen Dastuurka Ku-meel-gaarka ah.

Dowladda Federaalka waxa ay soo xigatay qodobka 54-aad oo si cad u sheegaya in siyaasadda arrimaha dibadda ay si gaar ah awood ugu leedahay Dowladda Federaalka. Maamul Goboleedyaduna waxa ay soo qaateen qodobka 53-aad oo sheegaya in Dowladda Federaalka kala tashato maamul goboleedyada arrimaha masiiriga ah.

Maadaama aanay dhisneyn Maxkamadda Dastuurka oo awood u lahaan lahayd fasiraadda dastuurka iyo xallinta khilaafka Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, waxa la sheegay in ay Dowladda Federaalka bilowday qorshe ay si qarsoodi ah ugu muquunineyso maamul goboleedyada.

Madaxweynihii Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa xilka laga qaaday inta ay socdeen xasaradaha Khaliijka, waxa uuna sheegay in uu eersaday ka soo horjeesankiisii go’aanka dhexdhexaadnimo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhowr isbuuc kadib, koox katirsan xildhibaannada Galmudug oo kulan ku yeeshay hotel ku yaalla Cadaado ayaa ku dhawaaqay in ay xilka ka qaadeen Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), inkasta oo aanay goobta joogin gudoomiyaha baarlamaanka (oo sheegay in uu ku jiray xabsi guri) iyo labadiisa ku xigeen midkoodna. Xaaf waxa uu warbaahinta u sheegay in afgambi ay soo abaabuleen hoggaanka dowladda federaalka in uu ka socdo gobolka uu ka taliyo.

Caddeynta ugu xooggan waxa ay soo muuqatay kadib markii warqad kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha lagu soo dhaweeyay go’aanka xildhibaannadii ku kulmay hotel ku yaalla magaalada Cadaado ee xilka looga qaaday Xaaf.

Si u muuqata ka aarsi ayuu Madaxweyne Xaaf u abaabulay kulan kale oo ay yeesheen qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka, waxa ay xildhibaannadu ku dhawaaqeen in ay iyagana xilka ka qaadeen Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug (oo ah laba masuul oo iyagu horey ugasoo horjeestay go’aanka taageerada xulufada Sacuudiga ee uu Xaaf horey u qaatay).

Labadan masuul waxa ay kasoo jeedaan beelaha Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaare Kheyre, taasoo u dhigtay loollanka Galmudug mid qabyaaladeysan.

Magaalada Baydhaba, oo caasimad ku-meel-gaar ah u ah maamulka Koonfur Galbeed, iyadana xildhibaanno ayaa ka bilaabay olole xilka looga qaadayo Madaxweyne Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Wakhtiga qoraalkan uu soo baxayo, waxa dhaqdhaqaaqyo iyo abaabullo ay ka socdaan Baydhabo iyo Muqdisho.

Puntland-na, madaxweyne ku-xigeenka ayaa si cad ugu dhaliilay Madaxweyne Cabdiweli Gaas go’aankii uu ku taageeray xulufada Sacuudiga/Imaaraadka/Masar – taasi oo ah ifaafaalo aan horey looga baran maamulka ilaa wakhtigan ugu xasilloon maamul goboleedyada dalka.

Waxa sidoo kale jira aragtiyo ka jira Garoowe, caasimadda Puntland, oo ah in Madaxweyne Gaas lagu ciqaabo ku dhawaantiisa Imaaraadka.

Saameynta xasaradaha ka taagan Khaliijka ku yeesheen arrimaha gudaha Soomaaliya waxa ay muujineysaa afar arrin. Marka koowaad, waxa ay caddeyn u tahay mugdiga ku jira qodobada dastuurka oo u muuqda mid daliil sharci siinaya doodaha iska soo horjeeda ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada labadaba.

Iyada oo aan si cad dastuurka federaalka loogu qeexin awoodaha iyo masuuliyadaha dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, hardanka u dhexeeya labada heer ee dowladeed wuu sii socon doonaa.

Marka labaad, qaar kamid ah dalalka Khaliijka oo kala taagerayay musharraxiin kala duwan intii ay socotay doorashadii madaxweynaha, waxa ay sii wadaan in ay lacagtooda si khaldan ugu saameeyaan siyaasadda Soomaaliya.

Marka saddexaad, xasaradaha Khaliijka waxa ay muujiyeen nuglaanta hoggaanka Soomaalida, ha noqoto in sandareerto la siiyo ama in la cadaadiyo, iyo u nuglaanta maamul goboleedyada siyaasad jaantaa rogan ah.

Ugu danbeyn, sida Dowladda Federaalka u maareysay khilaafka maamul goboleedyada waxa ay muujisay qaabkeeda dagaal ujoognimo ee aan u fiicneyn maamulka dalka. Arrimahan oo dhan waxa ay muujinayaan in loo baahan yahay heshiis siyaasadeed, oo ah kan aasaaska u ah dhismaha hay’adaha dowladda, adeegyada dowladda gaarsiinaya shacabka, dib usoo dhisaya dhaqaalaha, isla markaana sare u qaadaya xaaladda ammaan ee dalka.

Xiisadda Siyaasadeed ee Dalka

Xasaradaha Khaliijka oo u muuqday kuwo ka fog Soomaaliya, kuna koobnaa muran dalal Carbeed ayaa hadda waxa ay noqdeen xiisad siyaasadeed oo ka dhex aloosan Soomaaliya. Iyaga oo u muuqda in ay ka gaashaamanayaan dowladda federaalka ayay maamul goboleedyadu go’aansadeen in ay sameystaan dallad cusub: Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada kadib kulan ay horraantii Oktoobar ku yeesheen Kismaayo, oo caasimad kumeelgaar ah u ah Jubaland.

Madaxweynaha Puntland Gaas ayaa loo doortay gudoomiye, waxana war murtiyeed kasoo baxay golaha uu ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya “faragelin iyo carqaladeyn” taxan.

Madaxweynayaasha oo soo xigtay in dastuurka federaalka uu u oggolaanayo in ay sameystaan gole noocan oo kale ah, waxa ay hakiyeen in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iskaashi kala yeeshaan arrimo muhiim ah sida dib-u-eegista dastuurka kumeelgaarka ah.

Golahan waxa uu u muuqdaa mid qabanaya shaqooyin la mid ah kuwii Aqalka Sare, oo sida ku cad qodobka 71-aad ee dastuurka, ah mid danaha maamul goboleedyadu ku metelaan heerka federaalka.

Dowladda Federaalka kama jawaabin eedeymaha maamul goboleedyada ilaa markii lasoo saarayay warmurtiyeedkii Kismaayo. Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu jawaabay warqad uu ku muujinayo in wadahadal lagu dhameeyo waxa jira, balse waxaa xigay hadal kulul ee uu Ra’iisul Wasaaraha jeediyay isla maalintaas, taasi oo muujineysey in madaxdu aysan isku aragti ka ahayn sida loo wajahayo maamul goboleedyada.

Dadka u dhaw Maxadweyne Farmaajo ayaa waxa suuragal ah in ay u arkaan in cadaadis la saaro maamul goboleedyada ay keeni karto natiijo wanaagsan – taasoo ka dhigan in haggaamiye goboleedkii aan talada uga dambeyn Dowladda Federaalka uu xilka waayi doono (sida Hirshabeelle ama Galmudug).

Sikastaba ha noqotee, casumaadda uu Maxadweyne Farmaajo u fidiyay maamul goboleedyada in ay Muqdisho yimaadaan kuna wada hadlaan waa dadaal ammaan mudan oo xaaladda dejin kara.

Waxa sidoo kale jira in siyaasiyiin caan ah ay kulamo ku qaateen Abu Dhabi, una muuqda in ay sameynayaan xulufeysi cusub oo ka dhan ah maamulka Farmaajo. Siyaasiyiintan waxa kamid ah Madaxweynayaashii hore ee Sheekh Sharif iyo Xasan Sheekh, Raysal Wasaarihii hore Cumar Sharmaarke, iyo kooxo kale.

Waxa la wada ogsoon yahay in xulufeysiga siyaasadeed ee cusub uu taageero ka heysto dalalka go’doominaya Qatar. Waxa cad in isbaheysigan uu doonayo in uu kasoo horjeesto go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay u arkaan mid la safan Qatar, iyaga oo diiradda saaraya xiriirka u dhexeeya la taliyayaasha sarsare ee madaxweynaha iyo dowladda Qatar.

Caqabadaha Amni

Iyadoo ay arrimahan taagan yihiin ayaa waxaa dhacay qaraxii 14-kii Oktoobar, kaasoo hakiyay wax walba oo jiray, keenayna in dadku u midoobaan tacsida dadkii ku dhintay qaraxa, gurmadka kuwii ku waxyeeloobay iyo isu diyaarinta howlgal ciidan.

Hasa ahaatee, su’aasha leys weydiinayo ayaa ah sidee ayuu gaari wada qarax intaa la’eg usoo gaaray bartamaha magaalada, isaga oo kasoo gudbay dhammaan baraha lagu baaro gawaarida ee teedsan waddada.

Xeeldheerayaasha arrimaha amniga, ayaa tilmaamay in ay jirto habacsanaan xagga amniga ah, gaar ahaan guuldarro weyn oo ka timid sir-doonka iyo hellidda xogta cadowga.

Laba maalmood qaraxa hortiis ayaa waxaa cadaadis soo waajahay awgeed xilalkoodii iskaga casilay taliyihii ciidamada xoogga dalka iyo wasiirkii gaashaandhigga, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaantay in is-casilaaddu aheyd mid ka timid labada masuul, hasa ahaatee taasu ma muuqan.

Taliyaha ciidamada ee is-casilay waxa uu ahaa taliyihii saddexaad ee xilkan qabta tan iyo markii uu madaxweyne Farmaajo xilka qabtay siddeed bilood kahor, waxa ayna tani muujineysa isbedellada faraha badan ee lagu sameynayo mas’uuliyiinta tarisan dowladda federaalka. Isbeddelkan wuxuu wiiqayaa xasiloonida laamaha amniga, wuxuuna yareynayaa mas’uuliyaddii isla xisaabtan ee loo baahnaa.

Dhanka kale, AMISOM ayaa ka carootay nuxurka warqad la faafiyay oo uu wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya u diray safiirka dowladda Mareykanka, kuna tilmaamay in AMISOM ay ku guul dareysatay in ay wax ka qabato amniga dalka, isla markaana joojiso wax uu wasiirku ku sheegay ‘dowladda Iran oomaaddada yuraaniyamka ka qodata Soomaaliya’.

Marka laga tago qoraalka warqadda oo liitay, eedeynta ku aaddan Uranium laga qodanayo Soomaaliya ayaa waxaa loo fasirtay in ay tahay isku day maamulka madaxweyne Trump lagu doonayay inuu kusoo fara geliyo arrimaha Soomaaliya (Madaxweynaha Mareykanka ayaa amray in la kordhiyo duqeymaha diyaaradeed iyo howlgallada ciidan ee Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya).

Kaddib qaraxii 14-kii Oktoobar ka dhacay Muqdisho, Madaxweyne Farmaajo ayaa booqday saddex waddan oo deris ah, ciidamadooduna kamid yihiin kuwa AMISOM, isaga oo taageero u raadinaya qorshe dagaal balaaran oo lagu qaado al-Shabaab.

Hasa ahaatee, ammaanka iyo siyaasaddu saameyn ayey isku leeyihiin, taasoo ka dhigan in isqabqabsiga iyo muranka jira (ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta dhexdooda), agab ciidan iyo tababar yarida iyo isku xirnaan la’aanta ka jirta ciidamada aaney suurta gelin karin in si sahlan looga guuleysto al-Shabaab.

Gunaanad

Siddeed bilood wax ka yar oo uu xukunka hayey Madaxweyne Farmaajo, dowladda federaalka ayaa waajaheysa caqabado badan oo kala duwan. Dalka oo dhan waxaa niyad jab ku riday dhacdadii qarax ee 14kii Oktoobar. Dad badan ayaa welwel ka qaba in ay kusii noolaan karaan ama hantidooda kusii aamini karaan xarunta dowladda federaalka ee Muqdisho.

Maamul goboleedyada oo u arka in dowladda federaalku iyaga duulaan ku tahay ayaa hakiyay wada shaqeyntii kala dhaxeysay dowladda federaalka gaar ahaan arrimo muhiim ah oo uu kamid yahay dib-u-eegista dastuurka.

Siyaasiyiin caan ah ayaa iyaguna sameysanaya isbaheysi cusub oo ay ula dan leeyihiin in ay ku wiiqaan madaxda federaalka. Khilaafka ka dhex oogan waddamada Khaliijka uma muuqdo mid xalkiisu dhow yahay, wuxuuna u muuqdaa mid waxyeeleynaya dowladda federaalka.

Xiisihii loo qabay dowladda iyo madaxdeedana waxaa la degay falkii ay dowladdu ku dhiibtay Qalbi-dhagax.

Iyada oo ay jiraan waxaas oo caqabado ah, hadana waxaa dhici karta in madaxweynuhu haysto fursad siyaasadeed oo u saamaxeysa in dhibaatadii 14kii Oktoobar uu uga faa’ideysto in uu ku mideeyo qaranka, waase haddii uu sidaas doonayo.

Haddii uu sidaa sameeyo, keliya dib uma soo nooleynayo sumcaddii uu ku lahaa bulshaweynta dhexdeeda balse wuxuu kaloo uga faa’ideysan karaa in aysan dhicin in uu mar kale lumiyo fursad dahabi ah.

Talooyin tixgelin mudan

Talaabadii uu madaxweynuhu casumaadda ugu fidiyay madaxweynayaasha maamul goboleedyada waxa ay aheyd talaabo wanaagsan. Casumaadda uu u fidiyay madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug kaliya ma muujineyso in laga laabtay talaabadii ay dowladda federaalku ku aqoonsatay in Xaaf xilka laga qaaday, balse waxa kaloo ay muujineysaa in madaxweynuhu isu soo dhowaansho u muujiyay Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada.

Tallaabadan wanaagsan ee la qaaday waa in lagu daraa in lasoo dhaweeyo kooxaha kale ee siyaasadeed, gaar ahaan siyaasiyiinta dhawaan ku kulmay Abu Dhabi iyo taageerayaasha ay ku dhex leeyihiin baarlamaanka. Fogeynta siyaasiyiinta iyo siyaasadda ku wajahan colaadda waxaa ku lumay wakhti badan, dadaal iyo dhaqaale intaba. Madaxweyne Farmaajo wuxuu u baahan yahay in uu baal cusub furo.

Dastuurka oo dib-u-eegis lagu sameeyo ayaa ah habka ugu wanaagsan ee lagu xalin karo isfahamwaaga ku aaddan awood qeybsiga ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Sidaa daraadeed, waa in la dardar geliyaa qorshahan iyadoo leysla meel dhigayo awoodaha u gaarka ah dowladda dhexe, kuwo u gaarka ah maamul goboleedyada iyo awoodaha ay wadaagayaan.

Kulanka lagu dhawaaqay in 28-ka Oktoobar ay ku kulmayaan madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa ah goobta ugu wanaagsan ee ay tahay in uu ka bilowdo wadahadalka dastuurka.

Ka adkaanta al-Shabaab iyo soo celinta amniga dalka waa in ahmiyad koowad la siiyo; waana in ay noqotaa dadaal laga wada qeyb qaadanayo. Dowladda federaalku waa in ay markaas qaadataa talaabo ay kula heshiineyso maamul goboleedyada iyo kooxaha kale ee siyaasadeed ee dalka ka jira.

Tani waxa ay lagama maarmaan u tahay in la helo ciidan isku-dhaf ah oo mideysan, tayeysan oo u diyaarsan inuu howlgalo isla markaana haysta agabkii iyo dhaqaalihii ay ku howlgali lahaayeen.

Siyaasiyiinta gobolada iyo kuwa kale ee federaalku waa in aaney ka shaqeyn hagardaameynta madaxtinimada Farmaajo, waana in aaney quwado shisheeye soo dhex-marin. Dalku wuxuu u baahan yahay xukuumad xasilloon, siyaasad qaangaar ah iyo in kuwa doorashada ku guuleystay loo ogolaado in ay dalka maamulaan.

Madaxda maamul goboleedyadu waa in ay joojiyaan in gacma-gacmaynta siyaasadda arrimaha dibadda, waayo taasi waxay caqabad ku noqoneysaa dib u unkidda qaran Soomaaliyeed oo macno leh.

Safarada ay madaxda maamul goboleedyadu ku tegayaan wadamada dibadda waxaa lagu gaari karaa dano shakhsiyeed balse hagardaameynta hoggaanka qaranka waxay carqaladaynaysaa iyo dib u yagleelidda qaran Soomaaliyeed oo macno leh.

Dowladaha Carabta ee deriska la ah Soomaaliya, gaar ahaan isbaheysiga kasoo horjeeda Qatar waxa ay u baahan yihiin in ay ogaadaan in dadka Soomaaliyeed dhibaato kusoo jireen muddo rubuc qarni ah.

Marka Soomaaliya la barbardhigo caalamka, ha noqoto xagga waxbarashada, caafimaadka caruurta, iyo helidda nolol maalmeedkaba, Soomaaliya waxey galeysaa kaalinta ugu hooseysa.

Qaraxii ugu dambeeyay ee 14-kii Oktoobar dhacay ayaana tusaale ugu filan dhibaatada ay amni darradu ku hayso dalka. Faragelinta qaawan iyo laaluushidda siyaasiyiinta waxa ay wiiqeysaa hay’adaha dowliga ah ee dalka, ammaan darrada ka dhalatana waxaa ka faa’ideysanaya oo kaliya, al-Shabaab.

Leave a comment

La Wadaag
REPORTER

I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer.
I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it.
I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.