La Wadaag

Muqdishu- Soomaaliya (AxadleTM)— Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud Cabdi ayaa sheegay in saldhiga Milateri ee Imaaraadka Carabta ka dhisanayo dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ay tahay arrin qatar ku ah ammaanka Soomaaliya.

Zakariye Xaaji Maxamuud Cabdi ayaa kala qaaday Dekeda Berbera iyo tan Boosaaso oo shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta la wareegtay, isagoo xusay in Dekeda Boosaaso ay tahay deked la dhisayo, balse tan Berbera ay tahay saldhig milateri.

“Berbera iyo Boosaaso arrinteena waa kala duwan tahay, tan berbera waxaa ku jirta saldhig milateri ee dowladda Imaaraadka ka dhisaneyso, arrinta Boosaaso waa dhisme dekeda la dhisayo oo ah horumarin”ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.

Xildhibaanka ayaa sheegay in mooshinka laga keenay saldhiga milateri ee Imaaraadka ka dhisanayo Berbera uu Baarlamaanka ka doodayo, isla markaana ay u arkaan arrin qatar ah.

“Mooshinka laga keenay Saldhiga Berbera, Baarlamaanka waa uu ka doodayaa, waa loo badan yahay in aan la aqbalin, waayo waxaa u aragnaa inay qatar ku tahay Soomaaliya, waayo saldhig Milateri kama bixi karto Soomaaliya”ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ujeedka Imaaraadka Carabta uu saldhig Milateri uga furanayo ay tahay inuu ka weeraro dalka Yemen, waxaana uu xusay in arrintan ay tahay mid caqabad ku noqoneysa nabadgelyada iyo madax banaanida dalka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socdo ka doodo saldhiga Milateri ee Berbera, lama oga mooshinka hor-yaala Baarlamaanka waxaa uu ka bedeli doono socdaalka Madaxweyne Farmaajo ku tagay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta.

Axadle Times
Axadle International Monitoring – Somalia
info@axadletimes.com

Leave a comment

La Wadaag
A.M

I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer.

I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it.

I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.