Naagta Ugu Naasaha Weyn Dunida oo La soo Bandhigaay |

Tue09022014

Last update08:59:23 AM

Back Life Life and Style News Mother & Children Naagta Ugu Naasaha Weyn Dunida oo La soo Bandhigaay

Naagta Ugu Naasaha Weyn Dunida oo La soo Bandhigaay

Bulshadda \ Mother and Children Naagta ugu naasaha weyn dunida ayaa daboolka laga qaaday ka dib markii ay ka soo muuqatay barnaamij ka baxa TV ku yaala dalka Ingiriiska.Ka soo muuqashada barnaamijka ee haweeneyda ugu naasaha weyn dunida ayaa daboolka ka qaaday dhibaatada maskaxiyan iyo muuqaal ee haysata naagtaasi.

Annie Hawkins-Turner ayaa la geliyay buuga diiwaanka dunida ee lagu magacaabo Guinness World Record iyadoo cabirka naasaheedana uu yahay 102ZZ culayskooduna yahay 51 KG.

Iyadoo ka qayb qaadaneysa barnaamijka lagu magacaabo “This Morning” ee ka baxa TV-ga ITV, ayaa ay Ms Hawkins-Turner sheegtay in naasaheedu koriimada bilaabeen markay jirtay sagaal sano, kuna kalifeen dhibaato maskaxeed markii ay weynaanayeen.

Waxaa kaloo ay sheegtay in ninkeedu kula taliyay in ay dunida u bandhigto dhibaatadan ka haysata naasaha isagoo markii hore ku booriyay in ay ku soo bandhigto naasaheeda mareegaha anshax xumada ee internetka taaso ay ka aqbashay.

Mr Hawkins-Turner waxaa ay intaa raacisay in ay la qabsatay culayska naasaheeda oo aysan hada dhib badan u arag.

” Markasta oo aan helo dhaqtar cusub wuxuu igula taliyaa in aan qaliin galo. Waxaan lee yahay dhabar adag waligayna ima uusan xanuunin dhabarka. Waxaan qaatay dhawr farsamo oo ku sabasan sidii aan u xajin lahaa culayska oo aanan dhibaato isugu gaysan”, ayaa ay u sheegtay dadweynihii ka daawanayay TV-ga.

” Mararka qaar waa ay I dhibtaa marka ay dadku I weydiiyaan ‘sidee u socotaa?’ curyaan ma ihi. Waxa kaliya ee aan lee yahay naaso waa weyn oo aan la qabsaday sidii aan u qaadi lahaa,” ayaa ay raacisay.

Inta badan dumarka leh naasaha waaweyn ayaa ka cawda dhibaatooyin ay ka mid tahay raaxo la’aan, dhabar xanuun, surka oo xanuuna iyo cuncun maqaarka ah iyo waliba ragga oo mar waliba si joogta ah u dawada marka ay banaanka u baxaa,  dhar le eg oo ay ka waayaan dukaamada iyo awood daro ka haysata dhinaca jimicsiga.

Qaliinka lagu sameeyo naasaha yaa ah kan afraad ee ka dhaca dalka Ingiriiska maadam ay dumarka dalkaasi ku mashquulaan sidii ay muuqaal ahaan isu qurxin laahyeen, sanadii 2010 waxaa dalka Ingiriiska qaliin dhinaca qurxinta jirka dumarka lagu sameeyay 4,218 dumar ah.

Naagta Ugu Naasaha Weyn Dunida oo La soo Bandhigaay
Related Posts:
Haweeneydaan La Yirahdo Terri Graham ayaa waxa ay sheegtay in sababaha ay eyga u nuujineyso ay tahay
Haweenka caalamka ku nool badankood ayaa ah kuwo ku raxeesta cunista cuntooyin kala gadisan iyadoo w
Filim Addunka oo dhan laga Daawadey Ayaa Noqdey Mid Dadkii Daawadey Ka yaabiyey, Gabarta Yar ee Ooye
Khalid oo ah wiil yar oo kunol magaaladda Tacis ee Dalka Yamen oo Ay da'diisu tahay 5 jir  ayaa
Yaasmiin Calas waa gabar Soomaali Hollandees ah oo labaatan sano ka hor ay reerkooda kala soo qaxeen
Saxaafaddu waa guriga ay u soo hoydaan dadka dulman, waxey goddaa ama qaloocisaa, soona laabtaa dhab