SHARE

Spiegel, oo xubin ka ah shabakadda EIC oo ay EL MUNDO leedahay, ayaa soo warisay dalab 250 milyan oo euros ah.Ujeedadoodu waxay ahayd inay bixiso 23 milyan oo euros sanadkiiba Messi ilaa 2021 iyo hal milyan oo dheeraad ah aabihiis.

Sida laga soo xigtey Wargeyska Jarmalka kasoo baxa ee lagu magacaabo Der Spiegel, Real Madrid ayaa waxay isku deyday in Barcelona ay uga afduubato xidigeeda Lionel Messi aduun dhan 250 Malyuun, sanadkii 2013.

Warbixinta ayaa waxaa laga soo xigtey in bishii June ee ee sanadkii 2013, Real Madrid ku wargelisay xiisaheeda Qareenka Messi qoyskiisa oo la dhoho Iñígo Juárez, kaasoo isana usii sheegay Abaaha Messi, oo lagu magacaabo Jorge.

Wargeyska Der Spiegel. ayaa wuxuu sheegay kulanka ay wada yeesheen labadaan dhinac uu ka dhacay Diyaarad, iyagoona wada qaatey Duyuurad qaas ah, si aanan loo helin xogtooda ku aadan inay la wareegayaan Messi.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgaley Madaxweynaha Madrid ee Florentino Pérez, Agaasimaha Cyaaraha Madrid ee Miguel Pardeza, Qareenka Real Madrid iyo Qareenkii ka socdey Lionel Messi qoyskiisa.

Waxaa la fahansan yahay in Lionel Messi qareenkiisa uu sheegay in Leo uu rabo in sanad walba loo gacan geliyo aduun lacageed dhan 23 Malyuun, islamarkaaan la siiyo Aabihisa Hal Malyuun oo dheeraad ah, taasoo Madrid culeys ku noqotey.

Waxaa intaas dheer inuu cadaadis uu ka yimid Ra’iisul Wasaaraha Spain ninka lagu magacaab [Mariano] Rajoy kaasoo isana cadaadiska ku kordhiyey Madrid, waxaana uu sheegay inay xisheymayaa Messi uu xiligaas ku socdey baaritaan.

Baaritaanka ayaa wuxuu ahaa in Lionel Messi, xiligaas lagu lahaa deymo dhanka Canshuurta, waxayna taasi keentey in gabi ahaanba ay ka quusato Los Blancos soo qaashadda Lionel Messi, oo xiligaas shaki weyn uu ku jirey waayihiisa Barca.

Leave a comment

SHARE
REPORTER
I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer. I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it. I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.