La Wadaag
Arsenal ayaa u dhaweyd saxiixa Thomas Lemar xagaagii
Arsenal ayaa u dhaweyd saxiixa Thomas Lemar xagaagii

ARSENAL ayaa diyaarineysa dalab cusub oo ay ku dooneyso xiddiga diirada u saaran Thomas Lemar bisha Janaayo.

Kooxda kubada cagta ee Arsenal ayaa markale bilaawday raacdada ay ugu jirto saxiixa laacibka  qaranka France iyo kooxda Monaco Thomas Lemar.

Gunners ayaa suuqii dhawaan xirmay waxaa laga soo diiday dalab ka dha ah Lemar oo ku kacayay 90 Milion laakiin maamulka Monaco ayaa lacagahaasi aqbali waayay.

Gunners ayaa ogolaatay inay heshiis 90 milyan oo ginni ah kula soo wareegto xiddiga reer France, laakiin heshiiska ayaa ku dhacay xilli ciyaareedkii ugu dambeeyey.

Sida laga soo xigtay jariiradda Daily Mail , Arsene Wenger ayaa qorsheynaya inuu u dhaqaaqo jiilaalka  xidigaan 22-sano jirka ah, inkastoo la rumeysan yahay in dalabku uu aad u hooseeyo.

Sida laga soo Xiganayo Liverpol Echo kooxda Liverpool ayaa qudheeda dooneysa in ay Anfield ku soo biiriyaan ciyaariyahan Thomas Lemar oo Monaco ka tirsan.

Kooxda ka dhisan woqooyiga London ee Arsenal ayaa la soo warinayaa in ay markan miiska saari doonaan lacago ka badan kuwii ay laga soo diiday suuqii dhawaan soo xirmay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in tababaraha reer France ee Arsene Wenger uu la dhacsanyahay qaab ciyaareedka xidigan isla markaana ay ka go’antahay in uu Janaayo Emirates ku soo biiiriyo.

Lemar oo 2015 Monaco kaga soo biiray kooxda Cen ayaa kooxdaasi ka soo muuqday 103 kulan oo Champions league ah halka uu kooxdaasi xagaagii la soo dhaafay la qaaday horyaalka dalka France.

Leave a comment

La Wadaag
REPORTER

I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer.
I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it.
I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.