La Wadaag

Nolosha Neymar uu ku heysto Neymar Paris ma ahan mida uu filayay isagoo durba bilaabay in uu ku Shalaayo u dhaqaaqista France waxaa sidaasi aamisan s Marcelo Bechler.

Bechler waa wariye u dhashay Brazil oo si Qoto dheer ula socday Go’aankii uu Neymar ugu Biiray kooxda PSG waxaana uu sheegay in Neymar horay uu Qaar kamid ah saaxibadiisii hore ee Barcelona uu u sheegay in ka shaleynayo ka tagista Barcelona.

Bechler oo ka Faalooda Ciyaaraha kubada cagta ayaa aaminsan in Neymar uusan ku Guuleysan wali Kalsoonida Ciyaartooyda ay wadaagaan Qolka labiska ee kooxda PSG.

“waxaa jira Ciyaartooy waaweyn oo Qolka Labiska ee PSG la wadaaga Neymar sida Cavani iyo Dimaria walina lama aysan dhicin Hab dhaqanka Neymar JR”.

“Sidoo kale xiriirka Unai Emrey iyo Neymar ma wanaagsana Si lamid Ciyaartooyda kooxda”.

“waa Xaqiiq in Neymar ka hor laacib weyn uu ka dhaqaaqi doono PSG sababo la xiriira Dhaqanka Neymar”..

Si kastaba ha ahaatee Bechler ayaa sheegay in maalin uun Neymar ka dhaqaaqi doono PSG Suurta galna ay tahay in uu ku biiro Kooxda Real Madrid.

Neymar oo ka Hadlay Shirka Jaraa’id ee Brazil ka hor kulamada saaxibtinimo ayaa sheegay in inta Badan waxa ay Saxaafada France shaqsiyadiisa ka Qoreen ay yihiin Been Abuur.

Leave a comment

La Wadaag
A.M

I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer.

I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it.

I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.