Home Somali #C/wali Gaas oo cadeeyay Mowqifka Puntland ee Imaaraadka Carabta

#C/wali Gaas oo cadeeyay Mowqifka Puntland ee Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo goor dhow Shir ku qabtay Xeradda Ciidamada badda Puntland ee ku taalla duleedka Magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay Wararka sheegaya in dowladda Imaaraadka Carabta ay ka baxday degaanda Puntland.

Waxaa uu sheegay in Puntland iyo dowladda Imaaraadka Carabta uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo ku aadan horumarinta Puntland.

C/wali Gaas ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta uu xiriirkooda mid qiimo gaar ugu fadhiyo iyo qadarin, isla markaana ay wadaagaan xiriir xag amni, ganacsi iyo dhaqan soo jireen ah.

Madaxweyne Gaas ayaa beeniyay in Garoonka Boosaaso ay ka baxeen tababarayeyaal u dhashay dowladda Imaaraadka Carabta.

Gaas ayaa sidoo kale Caddeeyay in Puntland ay sii wadi doonto wada shaqeynta dowladda Imaaraadka Carabta.

Waxaa uu sheegay in Warar been  Abuur ah lagu faafiyay Baraha Bulshadda kasoo ahaa in uu xumaaday Xiriirkii Puntland iyo Imaaraadka Carabta.

Waxaa uu ugu dambeyntii xusay Madaxweynaha in aysan jirin Saraakiil Imaaraad ah oo lagu dhibaateeyay Garoonka Boosaaso.