Home Somali #Ceynte oo si la yaab leh uga falceliyay Xil ka qaadistii Taabid

#Ceynte oo si la yaab leh uga falceliyay Xil ka qaadistii Taabid

Wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga C/raxmaan Sheikh Cali Ceynte oo si xirfadeysan kaga hadlay xilka ka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in kacaanka uu kala jeedo madaxda Dowladda ay bilaabeen iney cunaan carruurtooda.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay Mr. Ceynte in markii uu arkay xaalka hadda sida uu ku socdo uu soo xusuustay Maqaalka Saxafigii Faransiiska uu qoray ee ku aadanaa in Kacaanta uu bilaabay inuu cuno Carruurtiisa 20-sano ka dib.