La Wadaag

Maamulaha Kooxda Chelsea Antonia Conte, ayaa ka dhawaajiyay Qorshaha ay Kooxdiisa Blues ku soo qaban karto Hogaamiyayaasha Horyaalka England ee Manchester City.

Conte, ayaa sheegay in Chelsea ay gaari karto haddii ay Bisha Janaayo Suuqa kala Iibsiga Ciyaartooyda ka sameyso Saxiixyo waa weyn, isagoona intaas ku daray in Arrinkaasi uu yahay Qorshaha kaliya ee ay kooxdiisu ku Gaari Karto City.

Manchester City, ayaa kulankoodii ugu danbeeyay 2-1 uga adkaaday Kooxda Huddersfield Town lagu Magacaabo, iyagoona Rikoor Cusub u dhigay Horyaalka England, ka dib markii 11-kulan oo Xiriira ay Guul gaareen

Conte, ayaa xusay inay muhiim tahay in Bisha Janaayo ay Kooxdiisa Chelsea Suuqa si fiican u gasho, waxaana uu sheegay in City ay sanadkaan tahay Koox Xoogan oo aan la dhayalsan Karin.

“Waxaan u malaynayaa in Manchester City, ay sanadkaan tahay mid xoogan, sidoo kale waa sanadkii ugu danbeeyay, City waa team aad u wanaagsan”

“ ka dib suuqii haatan soo xirmay markuu furmayay, ayaga waxa ay la soo wareegeen Bartilmaameedyadii ay doonayeen ka dibna sare ayey isku qaadeen”

Conte, ayaa waxaa daboolay Lacagihii uu ku la soo wareegay Weeraryahanka qaranka Spain ee Alvaro Morata kaa oo uga soo biiray Kooxda Real Madrid.

Leave a comment

La Wadaag
REPORTER

I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer.
I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it.
I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.