Home Somali Daawo: Sheekh Xasan Daahir Aweys oo fariin muuqaal ah u diray Madaxweyne...

Daawo: Sheekh Xasan Daahir Aweys oo fariin muuqaal ah u diray Madaxweyne Farmaajo siiyayna talooyin muhiim ah

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo hadda Xabsi Guri ku ah Magaalada Muqdisho ayaa fariin u diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu helay Taageero Shacab oo Dal iyo Dibad ah,wuxuuna Xusay in loo baahan inuu ka Faa’deysto islamarkaana uusan Lumin Taageeradaas uu helay.

Sheekh Xasan ayaa carabka ku dhuftay in fikradaha qaar uu ku waafaqsanyahay Madaxweyne Farmaajo asagoo sheegay in uu iska ilaaliyo dibin daabyo loo maleego.

Sidoo kale Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ka hadlay Arrimaha Al-shabaab,wuxuuna uu dhaliilay qaabka loola Macaamilo Xarakada Al-shabaab.

Xasan Daahir ayaa sheegay in Al shabaab dagaal loo midesanyahay moyee aan si kale looga adkaan arin asagoo sheegay in Dowlada hada jirto laga rabo qorshahaas.

waxa uu tilmaamay in hab dhanka Al shabaab uusan jihaad aheyn islamarkaan hada ay si macnadaro ah dadka isga dilaa.

Waxa uu Madaxweynaha ugu duceeyay in dadka soomaaliyeed noqdaan kuwo quluubtooda isku soo duma oo isku soo hanuuniyo.

Xasan Daahir ayaa sida muuqata waxa uu tageero u muujinayay Dowlada Madaxweyne Farmaajo tasoo ku riixday in uu farintaan u diro.