La Wadaag

Daafaca Qaranka Brazil Dani Alves ayaa sheegay in wax cadaadis uusan saarneyn Gabriel Jesus kadib markii uu xidigaasi ku sheegay Ronaldo cusub.

Tan iyo markii uu Jesus kulankii ugu horeeyay u saftay Brazil sanadkii hore xidigan ayaa Qarankiisa u dhaliyay 8 Gool 13 Kulan oo uu u saftay Brazil.

Kooxda Brazil ayaa ka mid ah xulalka ugu cadcad koobkan Koobka Aduunka ee xagaaga soo socda ee Russia, taasoo ay ugu weyn tahay isku-dhafka xoogan ee Gabriel iyo Neymar oo kaalinta seddexaad ku jira, waxaana ay horumar weyn sameeyeen tan iyo markii Tite uu tababare u noqday bishii June 2016.

Jesus ayaa qeyb ka ah shaxda la filayo in Tababaraha Brazil uu la soo shir tagi doono koobka aduunka ee 2018 maadaama xidigan uu bandhig wanaagsan ka sameeyay Ciyaaraha is ree-reebka koobka aduunka.

Dani Alves ayaa is Bar-Bardhigay Gabriel Jesus iyo Halyeyga Brazil Ronaldo oo dhaliyay 62 Gool 98 Kulan oo uu saftay intii u dhaxeysay 1994 -2006.

“waa xidig aad u wanaagsan horay ayuu laacib u aha Jesus kaftan ma ahayn marka aan dhahayay Ronaldo oo kale ayaad tahay”.

“ma jiro wax cadaadis ah oo saran xidiga waa laacib weyn waan Filayaa in Qaranka uu Guulo muhiim ah ku Hogaamin doono”.

Gabriel Jesus ayaa la Filayaa in uu ka soo Muuqdo safka Brazil ee Cawa Wembley Kulan saaxibtinimo kula Ciyaari doona Qaranka England.

Leave a comment

La Wadaag
REPORTER

I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer.
I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it.
I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.