SHARE

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Taliyihii Ciidanka Milatariga Soomaaliya Gen Axmed Jimcaale Geedi (Carfiid) uu is casilay, waxa uuna Is casilaadiisa u gudbiyay Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya.

Sida aan Wararka ku helnay golaha Wasiirada oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Madaxtooyada ayaa aqbalay is casilaada Taliyaha ciidanka Xooga Soomaaliyeed waxa ayna Wasiirada durba isku raaceen taliye cusub oo lagu bedelay Generaal Carfiid.

Taliyaha Cusub ee ciidanka Xooga Soomaaliyeed ayaa loo magacabaay Gen Cabdi jamac Warsame “Gorod ” oo kamid ahaa Saraakiisha ciidanka xooga Soomaalieed, waxa uuna kasoo jeedaa Taliyahan cusub beesha Habar Gidir gaar ahaan Sacad.

Wixii kusoo kordha wan idin soo gudbin donaa

Leave a comment

SHARE
Wanaag
Freelance journalist and blogger about Somali politics and journalist tackling sports and politics and I am currently a content creator for Axadle