SHARE

Warar goordha naga soo gaaray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in uu is casilay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Cabdirashiid Cabdulaahi Maxamed

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa warqada iscasilaadiisa u gudbiyay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana la sheegay in R/Wsaaaraha uu aqbalay is casilaada Wasiirka.

Sida aan Wararka ku helnay Wasiirka Gaashaandhiga ayaa is casilaadiisa lagu macneeyay arimo shakhsi ah, waxaana is casilaadan ay timid kadib markii uu soo dhaaday shirka golaha Wasiirada.

Warar ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa xaqiijinaya in Wasiirka uu arrimo shaqsi isku casilay.

Shirka Golaha Wasiirada oo goor dhow soo dhamaaday ayaa laga sheegay in Wasiirka Gaashaandhigga uu is casilay.

Is casilaada Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ka dambeysay wax yar un kaddib markii uu is casilay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen. Jimcaale Cirfiid, iyadoo xilka Taliyaha loo magacaabay Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod.

Lama oga ujeedada rasmiga ah ee ay isu casileen sababaha ay isu casileen Wasiirka iyo Taliyaha.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Leave a comment

SHARE
Wanaag
Freelance journalist and blogger about Somali politics and journalist tackling sports and politics and I am currently a content creator for Axadle