La Wadaag

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabellaha hoose ee Koonfurta Somaliya diyaarad dagaal ayaa xalay waxa ay duqeyn ku garaacday deegaanka Iidow Jalaad oo ka tirsan Shabellaha hoose.

Duqeyntaan ayaa lagu soo waramayaa in lala eegtay xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab, kuwaasi oo sida la sheegay la socday gaadiid iyo Mooto Bajaaj.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda ee Maamulka Gobolka Shabellaha hoose C/fataax Xaaji Cabdulle, ayaa sheegay in duqeyntaasi lagu dilay dad gaaraya lix ruux oo askar iyo Saraakiil isugu jira.

Wuxuu sheegay duqeynta oo xalay dhacday macluumaadka hordhaca ah ee ay ka hayaan inay xaqiijinayaan geerida lix ruux oo Shabaab ka tirsan.

C/fataax Xaaji Cabdulle, ayaa sheegay xilliga duqeynta ay dhaceysay inay jirtay macluumaad laga haayay Saraakiisha la bartilmaameedsaday, iyaga kaliyana khasaaraha uu ku koobnaa.

Maalmahan dambe waxaa kordhay duqeymaha dhanka cirka ah ee lala eeganaayo Saraakiisha iyo Saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin Gobolka Shabellaha hoose iyo deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe.

Shabaab kama aysan hadlin duqeyntaan xalay lagula eegtay deegaanka Iidow Jalaad oo qiyaastii 30-KM u jira Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha hoose.

Leave a comment