SHARE

Warar goordhaw aan ka helay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas lagu qabtay Diyaarad sida Saanad Ciidan oo isugu jira Hub, Gawaarida aysan Xabad karin iyo waxyaabo Qarax.

Diyaaradaan ayaa la sheegay in laga leeyahay Dalka Talyaaniga isla markaasna waxaa nooceeda lagu sheegay inay aheyd midda Xamuulka qaado, waxaana la xaqiijiyey inaan lagu wargelin maamulka Garoonka Aadan Cadde.

Wararka hordhaca ah ee halkaas laga helayo ayaa muujinayo in Diyaarada ay saarnaayeen aba Gaari oo ah kuwa aanay rasaastu karin, Qoryo kala duwan oo Boobayaasha culus iyo kuwa fudud isugu jira, Bistoolado, rasaas iyo jaakadaha laga xirto rasaasta, waxayna Maamulka Garoonka Sheegeen inaan lagu wargelin Diyaaradaan.

Maamulka Garoonka Aadan Cadde ayaa amar ku bixiyey in la baaro Diyaaradan si loo ogaado waxa ay wado, waxaana si lama filaan ah loogu arkay Saanad Militari.

Sidoo kale waxaa lasoo sheegayaa inay garoonka gaareen Saraakiil ka tirsan Safaaradda talyaaniga oo ay Ciidamada ka joogaan Muqdisho, kuwaas oo sheegtay inay diyaaradaan iyaga u socoto.

Waxaa hadda garoonka Muqdisho wadahadal ku leh Saraakiisha ka tirsan Dowladda Talyaaniga iyo Maamulka Garoonka, waxaana socoto waan waan ah in la fasaxo Diyaradaan.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Alla.

Leave a comment

SHARE
Wanaag
Freelance journalist and blogger about Somali politics and journalist tackling sports and politics and I am currently a content creator for Axadle