La Wadaag

Shirka ka socda magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeelgaadhka ah ee Jubaland, kulmiyeyna madaxda maamul goboleedada dalka Galmudug, Puntland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland oo martigelinaysa,

waa markii ugu horreysay ee uu qabsoomo isaga oo ka madax bannaan Dowladda dhexe ee Federaalka. Taasina waxay ku tusaysaa in ay jiraan ajendayaal qarsoon.

Waxaa shirkan maalgelinaysa Dowladda Imaaraatka Carabta, waxaana agaasinkiisa iyo ajandayaashiisa soo dejiyey Raysalwasaarihii hore ee Cumar Cabdirashiid, oo ku magacaaban lataliye arrimaha Siyaasadda ah ee Dowladda Imaaraatka ee Geeska Afrika, looguna talo galay inuu burburiyo Dowladnimada kasoo iftiintay Soomaaliya.

Sababta shirka loo qabtay ayaa ah, kadib markii ay Dowladda dhexe diiday Siyaasaddii dabadhilifnimada ee Sucuudiga iyo Imaaraatku ku haysteen siyaasaddeena arrimaha dibedda, oo Madaxda dowladda Federaalku ka qaateen mowqif dhexdhexaadnimo arrinta khaliijka,

ayey faragelin qaawan ula yimaadeen waddamada Sucuudiga iyo Imaaraatka madax-banaanideenna oo ay la shireen madaxda Maamul goboleedada kulamo ka dhacay Imaaraatka, iyagoo lagusoo amray inay kasoo horjeensadaan go’aanka Dowladda ee dhexdhexaadnimada leh ee ku aaddan xasaradda khaliijka.

Waa sababta labaade, kadib markii Shacabka Soomaaliyeed u dulqaadan waayey madaxda maamul goboleedada oo u dhaqmaya sidii hoggaamiye kooxeedyo, ayaa waxaa bilaabatay dabaylo isbedel kuwaas oo kasoo Bilowday Puntland,

mooshin lagu waday in Cabdiweli Gaas xilka looga qaado oo uu ka badbaadey kadib markuu bixiyey laaluushkii uu ku iibsaday dekedda Boosaaso kadibna u wareejiyey golihiisii xukuumadda kuwaasna lagu riday,

sidoo kale Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cosoble oo isna maamul iyo siyaasad xumo looga qaaday xilka, ayaa madaxweyne Xaaf lagu badbaadinayaa kulankaas si Dowladda dhexe dusha looga saaro wax aan khuseyn oo ah siyaasadda hoose ee maamul goboleedada taasoo ay khusayso dadka deegaanka oo ay doorteen xildhibaanada ku metela golayaashaas.

Madaxweyne Shariifka Koonfur Galbeed ayaa isagana xildhibaanada iyo dadka deegaanka Koonfur Galbeed u arkaan mid la degey maamulka , ayna u baahan yihiin isbedel cusub iyo horumar laga sameeyo deegaankaas laga sifeeyo kooxaha argagaxisada ah, ayaa isaguna ku gabbanaya halkaas si uu uga hortago dabaysha isbedelka ee kusoo socota isagoo eed aan meel oollin dusha uga tuuraya Dowladda dhexe.

Waxaa isna ka baqaya in dabaysha ay soo gaadhto Madaxweyne Axmed Islaamka jubaland oo maamulkiisu dhaafi waayey Kismaayo iyo hareereheeda, halkii looga baahnaa inuu xoreeyo deeganada ay ka taliyaan kooxaha argagaxisada ah ee Alshabaab.

Isku soo wada duuboo, labadaas qodob ayaa ugu muhiimsan in shirkaas la qabto, waxaan gacan ka geysanaya sidaan xusay Imaaraatka Carabta dhan farsamo iyo mid Siyaasadeedba, waxayna u egtahay in ajande ay wataan Sucuudiga iyo Imaaraatku meesha lagu karkarinayo.

Waxyaabaha la filayo inay kasoo baxaan waxaa kamid ah, in la dhaliilo siyaasadda arrimaha dibedda ee Dowladda dhexe ka qaadatay xasaradda khaliijka, taasoo ah hawl aan u oollin maamul goboleedyada, iyo in loo qiil sameeyo xilka qaadistii uu ku sameeyey Baarlamaanka Galmudug mudane Xaaf.

Sidoo kale in eedda dusha looga tuuro dowladda dhexe iyadoo la leeyahay faragelin bay ku haysaa maamul goboleedada ama Federaalka ayey burburinaysaa, taasoo micneheedu noqonayso in qiil loo samaysto hab-maamulka madaxda maamul goboleedada oo aad mooddo in aanu ku jirin kala danbayn.

W/Qoray: Maxamed Nuur Xuseen Waasuge
waasuge122@gmail.com

Leave a comment

La Wadaag
REPORTER

I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer.
I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it.
I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.