Home Somali #Faarax Qare oo daaha ka qaadey Qodob halis ah oo ku jiray...

#Faarax Qare oo daaha ka qaadey Qodob halis ah oo ku jiray heshiiskii Kalluumeysiga

SHARE

Guddoomiyaha hey’adda cilmi-baarista badda Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax-qare) ayaa kashifay qodob halis ah oo ku jira heshiiskii qeybsiga kheyraadka Badda ee dhinaca kalluumeysiga oo dhowaan saxiixeen madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.

Faarax Qare ayaa sheegay in heshiiskaasi qodobkiisa ugu weyn uu ka hor imaanayo sharciga Badda ee soo baxay sanadkii 2014, kaasoo kalluumeysatada Soomaalida siinaya inay keligood ka kalluumeystaan masaafo dhan 24 Meyl, wixii shati kalluumeysi la siinayana ay tahay in la siiyo wixii ka baxsan 24 Meyl.

Dowladda Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada dalka ka jira, ayaa sabtidii heshiis ku meel gaar ah ka gaaray, qeybsiga dakhliga kasoo xarooda bixinta rukhsadaha kalluumeysiga.

DHAGEYSO WAREYSIGA VOA-da

SHARE
REPORTER
I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer. I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it. I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.