SHARE

Tababaraha kooxda Real Sociedad Eusebio Sacristan ayaa taariikh dheer ku leh kooxda Barcelona, waana sababta Ernesto Valverde kaga welwelsan yahay kulanka ka dhacaya Anoeta Stadium.

Barcelona ayaa labo dhibcood ka heshay todobadii kulan ee ugu dambeysay oo ay booqdeen San Sebastian, inkastoo ay hadda kujiraan qaab ciyaareedkii ugu liitay kooxda Sociedad.

kooxda reer Catalan ayaa kujirta 28 kulan oo aan laga badinin tan iyo inta uu la wareegay shaqada tababare Valverde.

Si kastaba ha ahaatee, guuldarooyinkii hore ee kasoo gaaray kooxda ka dhisan Basque ee Sociedad ayaa cabsi ku haya tababare Ernesto Valverde.

OGEYSIISKA CIYAARTA
GAROONKA: Anoeta Stadium

SAACADA: 10:45 PM- Sacaada Soomaaliya
SACADA: 20:40 YURUBTA DHEXE

MAXAA CUSUB?
Daafaca dambeedka dhexe ee Samuel Umtiti ayaa weli ka maqan Barcelona, inkastoo uu ku dhow yahay inuu soo laabto, halka saxiixa cusub ee kooxda Philippe Coutinho uu sugi doono ugu yaraan dhowr isbuuc si uu kaga soo muudo kulankiisii ugu horeyay.

Kooxda martida loo yahay waxaa laga yaabaa inuu kusoo laabto Carlos Martinez oo la maqnaa dhaawac jilibka ah.

XAQIIQADA KULANKA
Ma jiro garoon koox heerka koowaad ee horyaalka Spain leedahay oo xilli ciyaareedkan lagu dhaliyay goolal ka badan garoonka Real Sociedad, iyadoo 36 gool lagu dhaliyay Anoeta.

Dhanka kale, Barcelona ayaa ah kooxda ugu goolasha badan horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan, waana kooxda kaliya ee aan weli laga badin.

SAFAFKA MACQUULKA AH
Barcelona (4-4-2): Ter Stegen; Roberto, Piqué, Vermaelen, Alba; Rakitic, Paulinho, Busquets, Iniesta; Messi, Suárez

Sociedad (4-3-3): Rulli; Odriozola, Navas, Llorente, Rodrigues; Prieto, Illarramendi, Zurutuza; Januzaj, William José, Oyarzabal

Halkan toos uga Daawo dhamman ciyaraha socda ee horyaalka yurub

Boqo Axadledirect.com

Leave a comment

SHARE
REPORTER
I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer. I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it. I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.