Swansea, oo ka soo kabsatay barbaro adag oo ay la gashay Newcastle United iyo FA Cup oo ay ka badiyeen Wolverhampton Wanderers, ma ahan inay raaftaan islamarkaana u dhintaan – gaar ahaan taageerayaasha hortooda waa in ay wacdaro mujiyaan oo ay boorka iska jafaan. Tababaraha Swansea Carlos Carvalhal, oo shaqada qabtay laba maalmood ka ka hor markii uu u safray Anfield, ayaa afar dhibcood ka soo qaatay seddexda kulan ee ugu horeysay ee uu hogaamiyo kooxda reer Wales,

Maxaa Ka Cusub Labada Koox? Swansea City ayaa rajeyneysa inay hesho daafac midig ee Kyle Naughton, kadib markii uu soo dhameystay ganaax sadex kulan ah – Sidoo kale, Mike Van der Hoorn iyo Renato Sanchez, ayaa filayaa inay hesho.

Laakiin, ciyaaryahanka Chelsea sida amaahda ah uga yimid ee Tammy Abraham ayaa laga yaba in uu seego kulan Calool xanuun.

Dhanka kale, daafac dhexe Virgil van Dijk ayaa sameyn  ku yeelan kara inuu ku bilowdo Liverpool kulankisii ugu horeeyay oo horyaalka ah, kadib markii uu qaraash badan oo Rikoor ah uu uga yimid Southampton.

Sidoo kale, Macalin Klopp ayaa heli kara kulankaan, ciyaartoyda kala ah, Maxamed Saalax, Dejan Lovren iyo Ragnar Klavan – Kabtan Jordan Henderson iyo Alberto Moreno, oo dhaawac kasoo laabtey ayaa shaki laga gelinayaa.

Shaxda Macquulka Ah
Swansea:

Fabianski, Van der Hoorn, Mawson, Bartley, Naughton, Sanches, Ki, Clucas, Olsson, Ayew, Bony.

Liverpool:

Karius, Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson, Can, Wijnaldum, Oxlade-Chamberlain, Salah, Firmino, Mane

Si Kooban
Tartanka: Premier League
Kulanka: Swansea City vs. Liverpool
Saacadda: 11:00 [Caweysnimo, Waqtiga Geeska Afrika]
Garoonka: Liberty Stadium

Swansea vs Liverpool
Janaayo 22, 2018, 21:00 sacada Yurubta dhexe
Ku noolow Sky Sports Premier League HD
Waxaad ka Daawan karta Shabakadeen Axadledirect.com Ka Daawo Goobt kaste ku Daawo Allad kaste