La Wadaag

Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa goobjoogayaal caalami ah oo kormeerayay doorashadii shalay ka dhacday gobolada Somaliland ayaa sheegay in goobaha doorashada qaarkood ay qaladaad ka jireen ayna walaac ka muujinayaan, balse doorashada ay u dhacday habkii loo marayay doorashooyinka.

Goobjoogayaasha ayaa waxa ay sheegeen inay booqdeen illaa iyo 350 goobood oo codadka laga dhiibanayay shalay ayna ku arkeen dad aan da’adii codeynta aan gaarin oo codeynaya. Sidoo kale Kormeerayaasha ayaa waxa ay sheegeen in goobo ka mid ah goobihii lagu codeynayay ay ciidamadu ay gudaha u galeen kormeerayaashana laga saaray.

Kormeerayaasha ayaa waxa ay sidoo kale xuseen in degmada Badhan aysan ka dhicin wax doorasho ah oo la joojiyay doorashada.

Dhinaca kale guddiga doorashada ayaa waxaa ay sheegeen in tirinta codadka doorashada ay ka bilaabatay degmooyinka inta aan ka ahayn Hargeysa iyadoo markale lagu tirin doona codadka magaalo madaxyada gobolada.

Afhayeenka guddiga doorashooyinka Siciid Cali Muuse ayaa sheegay inaysan jirin wax cabasho ah oo soo gaaray Guddiga Doorashada waxana uu xusay in natiijada doorashada lagu dhowaaqi doono muddo toddobaad gudihiis ah.

Magaalada Hargeysa ayaa waxaa maanta ka ambabaxay inkabadan toban safiir oo wakiil ugaga ah wadamadooda dalka Soomaaliya kuwaasoo shalay goobjoog ka ahaa doorashada ka dhacday Somaliland.

Sidoo kale waxaa haatan soo baxaya natiijooyin hordhac ah oo ka soo baxaya doorashooyinka Shalay oo Isniin ah ka bilaabatay deegaanada Maamulka Soomaaliland.

Dhamaan waxaa la soo gaba gabeeyay codeynta musharixiinta ku tartamaya doorashadaas.

Xarumaha deegaanada kala duwan ee Maamulka Soomaaliand ayaa waxaa haatan ka socda tirinta codadka.

Hadaba Hoos ka fiiri natiijooyinka ama codadka ay kala heystaan Musharixiinta iyo xisbiyada ay u tartamayaan.

Leave a comment

La Wadaag
REPORTER

I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer.
I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it.
I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.