Markii dhidhibada loo taagayo urur Jabhadeed, waxaa lagama marmaan ah In lagu saleeyo afkaar ama mab’ada, kaas oo ku qotoma wadaniyad ka turjumaysa siyaasad loo dhanyahay iyo aragti dheer.

Haddii labadaas la waayo, dadaalka iyo juhdiga ku baxaya Jabhada wuxuu noqon sidii hal baacad lagu lisey.

Maxay ku aas aasmeen Jabhada qabiilka ku dhisan ee Itoobiya?

Taliiskii kaligii taliiska ahaa Dhergi loogu yeeri jiray, uu hogaaminayey Mingiste, ayaa kula kacay xasuuq iyo barakicin qeybo ka mid ah qabiiladii Itoobiya sida Tigreee, Oromo, Amaxaaro, Eriteriya, Soomaali iyo qolyaha Koonfurta dhibatadaas ayaa waaxay sababtay curashada Jabhadaas hubeysan, in ay ka curtaan geyiga dhul weynaha Itoobiya.

Halkee ka heli jireen taageerada?

Jabhadaas ka jiray Itoobiyaa ayaa waxaa intooda badan taakuleen dhaqaale iyo saanad military ka heli jireen wadamada Masar iyo Soomaaliya, gaar ahaan Jabadaha TPLF(Jabhadii Tigreeega ) ELF (Jabhadii Eritariyaanka ) & ONLF ( Jabhadii Soomaalida). waxaa si hagar la’aan u taakuleyn jiray kacaankii Soomaaliya, waxayna ahayeen Jabhadihii ugu xoogana ee ka jiray Itoobiya, looguna hor aasaaasey.

Mabda’a ay ku dagaal galayeen

Jabahadii ka jiray dalka Itoobiya way kala mabada’ gedisanayeen, Jabhad walba waxay laheyd mabda’ u gaar ah oo ay ka duulayeen, wax kaliya ee mideeyey waa dagaalka ay kula jireen taliskii Dhergiga.

Marka laga reebo labada Jabhadood Soomaalida & Eritariyaanka ayagu aamin sanaa aragti ah gooni-goosad, inta kale sida tii Oromada (OPDO) tii Amaxaara (ANDM) tii Dadyowga Koonfurta (SEPDM) iyo tii Tigreeega (TPLF).

Waxay qabeen in la dhiso dowlad guud Itoobiyaa una taagan danaha dadka Itoobiya. Ayagoo kula duwan fikir hoosaadka qabiilka ee ah in qabiil walba u madax banaanaado degaankiisa.

Midowgii 4-ta Jabhadood ee isku aragtida dhawaa

Markuu daba dheeradey dagaalkii ay kula jireen Jabahada Itoobiya taliskii Mangiste, lagana adkaan waayey ayaa waxa ay fursanweysay in Jabadahu mideeyeyaan cududooda, gaar ahaan kuwa isku aragtida dhow, waxaa banaanka ka ahaa midowgaas Jabhadaha eritariya iyo somaalida ayagu aamin sanaa fikir gooni goosad. Jabhadaha OPDO, ANDM, SEPDM iyo TPLF ayaa ku midowbay Jabahada EPDRF (Jabhada kacdoonka dadka Itoobiya).

Midowgii 4-ta Jabhadood ee isku aragtida dhawaa

Markuu daba dheeradey dagaalkii ay kula jireen Jabahada Itoobiya taliskii Mangiste, lagana adkaan waayey ayaa waxa ay fursanweysay in Jabadahu mideeyeyaan cududooda, gaar ahaan kuwa isku aragtida dhow,

Prev1 of 4