SHARE

Macalinka Man United ee Jose Mourinho iyo dhigiisa Antonio Conte, ayaa waxay is-afgalaadeynayeen 10-kii maalin ee lasoo dhaafey waxaana Macalinka Chelsea, uu ku eedeeyay Mourinho, dhaqan caruureed xili uu ku tilmamay “nin yar”.

Tani ayaa waxay ahayd jawaabta labo gardaro oo ka timid Mourinho, taasoo uu Conte, ugu tilmaamey inuu yahay mid “xadkiisu soo dhaafey” islamarkaana isku soo qasey kubada cagta wadanka Talyaaniga.

Laakiin, kasoo noqashadiisa Mourinho ee todobaadkii hore ee wadanka Imaaraadka ayaa wuxu la islamarkiiba uus iiyey Conte jawaab kale, taasoo ku aadaneen inuu Conte ku tilmaamey “nin yar”.

Mourinho ayaa wuxuu yiri: “Waxaan umaleynayaa in marka uu qof caayo qof kale, waxaa filaneysaa inuu qofka kale, usoo jawaabo ama waxaa filaneysaa inuu qofkaas iska xaqiro ama xitaa uu ka quus qaataba.

Wuxuu intaas ku darey: “Markii ugu horeysay ee uu icaayey waa uu isoo jawaabey, jawaabtii aan bixiyey waxaan ogahay inay tahay mid ka taabatey meel uu ka dareemayo xanuun badan.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Kadib waa uu isoo caayey inaga, markii labaad, laakiin aniga waan bedalayaa hadda, waxaana ahay mid iska xaqiraya, kadib Ka quus-qaashada ayaa ka dhigan tahay tahay dhamadka sheekada.

Leave a comment

SHARE
REPORTER
I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer. I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it. I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.