Home Somali #Kooxaha Chelsea iyo Leicester City oo Bareejo Goolal La’aan Ah Kuwada Galay...

#Kooxaha Chelsea iyo Leicester City oo Bareejo Goolal La’aan Ah Kuwada Galay Stamford Bridge, xilli Blues uu ka dhaawacmay

Kooxaha Chelsea iyo Leicester City ayaa kuwada heshiiyey bareejo goolal la’aan ah, kadib markii ay wada dheeleen kulan ciyaareed ka tirsan Premier League, garoonka Stamford Bridge, ee Galbeedka London.

Ciyaartaan oo ahayd mid xiiso gooni ah xamdaarsaneed ayaa waxay soo bandhigeen labada kooxood wiilasha garoonka ugu jirey qaab ciyaareed aad uheer-sareeyay, wuxuuna ahaa mid weerar iyo weerar celis ah.

Xidigaha Chelsea ayaa abuurey fursado badan daqiiqadihii ugu horeeyay ee kulanka, waxayn ahaayeen ku beegsanayey shaqada kooxda kasoo horjeeday, iyagoona doonyey inay go’aamiya kulanka daqiiqadaha ugu horeeya.

Laakiin ma aysan usuura gelin, waxaa sidoo kale, sidaas si lamid ah sameysayeeyay xidigaha Leicester City, kuwaasoo iyagana abuurey fursado badan oo ay ku doonayeen inay ku helaan natiijada kulanka.

Ugu dambeyn, qeybta koowaad ayaa waxaa lagu kala baxay Bareejo goolal la’aan ah, waxaana markii dib leyskugu soo laabtey ay meeshooda wadeen Ugaarsiga uu mid walba oo iyaga kamid uu ku hayey kan kale, shabaqiisa.

Daqiiqadii 68aad, Leicester ayaa Roose laga siiyey laacibkeeda Chilwell, laakiin taasi kama caawin Chelsea inay wax badana ay sameyso qeybta labaad.

Wax walba oo ay sameeyaan waa ay ku guuleysan waayeen inay iska dhaliyaan wax goolal ah, iyagoona ku heshiiyey Bareejo goolal la’aan ah.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Chelsea, ay kusii jireyso kaalinta Sadexaad iyadoo leh 48 dhibcood, halka Leicester, ay fadhineyso kaalinta 8aad iyadoona leh 31 dhibcood ama Buundo.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta waxaa Leicester City, kaarka cas ka qaatay Ben Chilwell, kaddib markii uu guddoomay kaarkiisa labaad ee Jaalaha markii uu qalad ku galay Moses.

Ben Chilwell markii uu ka baxay ciyaarta Chelsea ayaa xukunka ciyaarta la wareegtay laakiin waxa ay ku guuldarreysteen inay gool dhaliyaan.

Fursad dahabi ah ayaa soo martay Blues, waxaana daqiiqadihii lagu kordhiyey ciyaarta ay heleen laad xor ah oo toos ah, laakiin kubbadaas oo uu afka hore ee goolka ka soo tuuray Alonso waxaa ka beeliyey goolhayaha Foxes ee Kasper Schmeichel, kulanka ayaana waqtigii loogu talo galay ku soo dhammaaday barbaro goolal la’aan 0-0.

Chelsea ayaa iska lumisay fursad ay kaga sare mari kartay kooxda ku jirta kaalinta labaad ee Manchester United, laakiin hadda inkastoo ay dhibcaha la wadaagto Man United oo ay leeyihiin min 47-dhibcood haddana Blues waxa ay iska sii fadhin doontaa kaalinta saddexaad.

NATIIJOOYINKA KULAMADII KALE EE LA CIYAARAY MAANTA HORYAALKA PREMIER LEAGUE:-

FT Crystal Palace 1 – 0 Burnley

FT Huddersfield Town 1 – 4 West Ham United

FT Newcastle United 1 – 1 Swansea City

FT Watford 2 – 2 Southampton

FT West Bromwich Albion 2 – 0 Brighton & Hove Albion