Ciyaariyahanka da’da yar ee Bayer Leverkusen Leon Bailey ayaa laga yaabaa inuu doorto xulka qaranka England isla markaana uu kasoo dhex muuqdo sadexda libaax marka la gaaro bartamaha sanadkaan kana qeyb galayaan koobka Aduunka.

Sida lagu qoray The Sun xidigaan wuxuu iska diiday fursad uu ugu ciyaari lahaa xulka qaranka Jamaica oo ah wadanka uu kasoo jeedo, waxaana u furan dooq ah inuu doorto qaranka England.

Bailey wey u furan tahay inuu England kasoo muuqdo, maadaama Craig Butler oo ah awoowgiis uu wadahadal kula jiro agaasimaha farsamada xulka qaranka England Dan Ashworth.

20-jirkaan waxaa loo tixgeliyaa mid ka mid ah ciyaartoyda soo baxeysa kuwooda ugu fiican qaaradda yurub, 11-gool ayuu xilli ciyaareedkaan u dhaliyay kooxdiisa Leverkusen.

Si kastaba ha ahaatee, xiddiga garabka ka ciyaara ma uusan ciyaarin kubada cagta caalamiga ah sababo la xiriira isfahan waan u dhaxeeya qoyskiisa iyo JFC.