Home Somali #Lionel Messi ayaa jabiyay rikoorka gooldhalinta ee Gerd Muller

#Lionel Messi ayaa jabiyay rikoorka gooldhalinta ee Gerd Muller

SHARE

Xiddiga Lionel Messi ayaa haatan dhaliyay goolasha ugu badan horyaalka ee uu dhaliyo xidig ka tirsaan hal koox inta ugu badan ciyaaryahan kale oo taariikhda Yurub oo sameyey ma jiro, marka laga reebo rikoorkii  uu horey uu dhigay Gerd Muller kaaso oo uu Messi  jabiyey habeenkii axada.

Xiddiga reer Argentine ayaa dhaliyay goolkiisii ​​afaraad ee gabgabadda ciyaarta ugu dambeeyey ee Barca ka dib guushii ay ka gaareen Real Sociedad, isagoo ka caawiyay inay ku guulo garaan ​​La Liga xilli ciyaareed.

Halyeeygii hore ee kooxda Bayern Munich Muller ayaa rikoorkii dheeraa ee taariikhda uu horey uu dhigay xaga kubada cagta ee shanta horyaal ee Europe – England, France, Italy, Spain iyo Germany.

Muller ayaa dhaliyey 365 gool 427 kulan oo Bundesliga ah intii u dhaxeysay 1964 ilaa 1979.

 

Hadda Hadii aan dib ugu jalecno ciyaartii Maanta oo axadle ah dhacdey ee ay afarta gool ay kala dhaliyeen Lionel Messi, Paulinho iyo Luis Suarez ayaa guul siiyay kooxda Barcelona kulan ka tirsan horyaalka La Liga waxeyna soo afjareen rikoor xun oo ay ka heysteen garoonka Anoeta Stadium.

Barcelona ka hor kulankaan kuma soo adkaan kulamada La Liga garoonka Anoeta Stadium tan iyo May 2007 markaas oo ay 2-0 kusoo adkaadeen, balse caawa ayey iska tuureen dhibtaas maadama ay 4-goolka dhaliyeen.

Ciyaarta waxey ku bilaabatay jawi dagan iyadoo Real Sociedad oo ka faa’ideysaneysa taageerayaasheeda ay ciyaarta ka dhigtay mid waalli ah qeybahii dhexe madama ay cadaadis daran saareen xidigaha Blaugran.

Willian Jose ayaa bilaabay bandhigga goolasha kulanka markii uu kubad madax ah daba mariyay Stegen, si qiyaano ah ayuu dhulka ugu dhuftay, waxaana u raacay gool uu dhaliyay Juanmi oo kusii dhacay Sergi Robert.

Barcelona isla qeybtii hore ciyaarta ayey heleen gool uu dhaliyay Paulinho, balse uma muuqan koox wali hanaankeeda soo ceshatay.

Qeybtii labaad markii la isku soo laabtay Barcelona waxey bilowday iney si daran cadaadis u saarto goolka Sociedad.

Luis Suarez ayaa dhaliyay kubad aan caadi aheyn oo ilqabad leh, si jarmo ah ayuuna shabaqa usoo galiyay, mar kale xidiga reer Uruguay isaga ayaa shabaqa ku leexiyay kubad laso dhigay xerada ganaaxa afkeeda hore.

Barcelona oo u baahan wax cadaadiska ka qaado, waxaa ka fududeeyay Lionel Messi oo si aan caadi aheyn laad xor ah u dhameystiray, goolhayaha ayaana wax ka qaban waayay oo kaliya daawaday.

Natiijada waxeykusoo dhamaatay 2-4 oo ay guusha ku raacday Barcelona, waxeyna 19-dhibcodo ka sareeyaan Barcelona, sidoo kalana 9-dhibcood ayey ka sareeyaan Atletico Madrid.

SHARE
REPORTER
I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer. I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it. I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.