Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-22/012018, uu ku magacaabay Afar Agaasime.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (kh).
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey:
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:
Aadan Cabdillaahi Cabdulle Nuur Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
Axmed Abokor Maxamed Yuusuf Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga
Xamda Daahir Afqarshe Ismaaciil Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Guddida (Komishanka) Qaranka ee Xakamaynta HIV/AIDS