Halyeyga kubada cagta Diego Maradona ayaa ka soo horjeestay go’aankii kooxda Sevilla ay ku magacaawday macalinka reer Vincenzo Montella oo dhawaan kooxdaasi macalin u noqday.

Montella ayaa kulankii ugu horeeyay ee uu hogaamiyo kooxda Sevilla wuxuu la kulmay guuldaro 5-3 ah oo ka soo gaartay kooxda aadka ay u xafiiltaan ee Real Betis kulan ka tirsanaa Laliga oo lagu ciyaaray garoonka Sevilla ee Ramon Sanchez Pizjuan.

tababare Berizzo oo ahaa macalinkii Sevilla ayaa kooxda laga buriyay markii uu qaliin ka soo kabtay isla markaana kooxda ay ku bilaabatay qaab ciyaareed liita oo aan looga baran.

Vicenzo Montella oo horay u sooo maamulay kooxaha Sampdoria iyo Fiorentina ee horyaalka Talyaaniga ayaa bishii November laga buriyay kooxda AC Milan r kadib markii Rossoneri laga badiyay 6 ka mid ah 13kii kulan ee ugu horeysay horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedkan.

Halyeey Maradona oo u soo ciyaaray Sevilla dhamaadkii xirfadiisa kubada cagta ayaa ka carooday go’aankii agaasimaha kooxda Oscar Arias uu ku magacaabay tababaraha reer Talyaani ee Vicenzo Montella.

“Waa arrin waali ah in Montella lagu badalo Berizzo” Maradona ayaa sidaasi ku qoray boggiisa Instagram-ka.

” markii Montella uu si xun u maamulayay AC Milan waxaa jiray kumanaan tababarayaal ah kuwaas oo shaqadiisa si wanaagsan u qaban karay”

Tababare Montella ayaa hada waqti cusub ku bilaabanaya kooxda Sevilla ee dalka Spain waxaana kooxdiisa ay qeyb ka tahay Champions League iyagoo wareega 16-ka ee tartankaasi ku beegmay kooxda Old Trafford ka arimisa ee Manchester United.