Siyaasadda Dowladda Imaaraadka Carabta; ee Waddamada tabarta yar, waxaa ay u muuqataa mid uga faa’deysaneyso si ay uga hesho danaheeda gaarka ah.Siyaasadda Dowladda Imaaraadka Carabta; ee Waddamada tabarta yar, waxaa ay u muuqataa mid uga faa’deysaneyso si ay uga hesho danaheeda gaarka ah.

Dalalka Soomaaliya iyo Yemen waxaa ay ka mid yihiin Waddamada Jaamacadda Carabta,haddana waxa lagu tiriyaa kuwa ugu taagta daran,marka laga eego dhinaca dowladnimada iyo qaab-dhismeedka siyaasadeed.

Dowladda Imaaraadku waxa ay Sucuudiga sanadkii 2015;kii la gashay dagaalkii loogu yeeray Duufaanta ee lagu qaaday Yemen,markii Xuuthiyiintu qabsadeen inta badan Waqooyiga Yamen.

Sucuudiga oo ka didsan Shiicada ayaa sameeyay isbahaysi ay Soomaaliya qayb ka tahay, kaas oo ka dhan ah Xuuthiyiinta Yamen ayeeshee waxa kala duwan kaalinta iyo ujeeddooyinka labada dal Sucuudiga iyo Yemen ee ku wajahan Jamhuuriyadda Jabtay ee Yemen; waxaana u dhaxeeya farqi weyn.

Sucuudigu; waxa uu sameeyey Isbahaysi, waxa uu isku duba riday Waddamada howlgalka kala qeybgelaya oo uu Imaaraadka ka midyahay,kuwaas oo shaqadoodu tahay in Xuuthiyiinta Cirka laga duqeeyo oo aan dhulka la tagin,

Prev1 of 5