La Wadaag

Hogaamiyaha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa Xaadiray kulan ay wada Ciyaarayeen dalalka Sweden iyo Italy waxaana Jose uu halkaasi u tagay si uu u soo daawado Qaab Ciyaareedka Xidiga kooxda RB Leipzig Emil Forsberg.

Emil Forsberg ayaa kamid ahaa Tiro Ciyaartooy ah oo Suuqii la soo dhaafay aad looga doonayay Horyaalka England xidigaasi waxaa aad u loola xiriirinayay kooxaha Liverpool iyo Arsenal laakiin Manchester United ayaa dooneysan xiligan xidigaasi oo Sweden ka soo Jeeda.

Jose Mourinho ayaa Ciyaarta Itlay iyo Sweden wuxuu ka daawanayay Qeybta sare ee Garoonka waxaana la soo sawiray Zlatan Ibrahimovic oo Ciyaarta la daawanayay Jose Mourinho.

DailyMail ayaa Qortay in Jose Mourinho uu damacsanyahay in xidigaasi oo Qadka dhexe ka Ciyaara uu ku soo Biiriyo Old Trafford waxaana uu isha ku hayay Qaab Ciyaareedka xidigaasi inta ay Socotay Ciyaartii Sweden iyo Italy.

Emil Forsberg ayaa xagaagii la soo dhaafay aad ugu Raaxeystay Bandhig wanaagsan wuxuuna Caawinaad ka Geystay 19 Gool oo kooxda RB Leipzig ay ka dhalisay xagaagii hore Bundesliga.

Jose ayaan hada ku Qanacsaneyn shaqada ay Mkhitaryan iyo Juan Mata ka hayaan Qadka dhexe ee Manchester United waxaana la sheegay in xidigaasi uu Mourinho u arko mid xalin Kara dhibaatoyinka Manchester United ka Heysta Qadka dhexe.

Leave a comment

La Wadaag
REPORTER

I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer.
I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it.
I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.