Manchester United ayaa weeyn doonto Michael Carrick dhamaadka xilli ciyaareedkan, halka Ander Herrera uu weli qandaraas cusub u saxiixin.

Jose Mourinho ayaa doonayo inuu ka gaashaanto xaalada soo socdo isago mar hore sii taabsaday xidigii uu u dhaqaaqi lahaa Bisha Janaayo oo uu suuqa kala iibisiga jiilaalka furmi doono.

Tababaraha Red Devils ayaa isha ku haya inuu lasoo saxiixdo Saul Niguez sida uu qoray wargeysyada The Sun.

Xiddiga Atletico Madrid ayaa dhawaan saxiixay qandaraas 9 sanno ah, laakiin United ayaa kalsooni ku qabta inay la soo saxiixaneyso isagoo qandaraaska u cusbooneysiiyay kooxdiisa waxa aaynaa diyaar ulatahay ineey ku jabiso qandaraaskiisa adiin lacageed dhan €150 million oo Euro ah.

Chelsea ayaa lala xiriirinayay Niguez laakiin sidoo kale ma aysan diyaarin inay bixiyaan lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa. Waxaana lagu soo waramayaa inay diyaar ula ahaayeen xidigan ineey ku dalbadaan lacag dhan £ 71 milyan oo ginni ku – qiyaastii kala bar lacagta Manchester United ay diyaar u tahay inay kulasoo saxiixato xidigan.

Saul Niguez oo ka tirsan kooxda Atletico Madrid ayaa kamid ah xidigaha khadka dhexe ka ciyaara kuwooda loogu doon doonista badanyahay waxa uuna xidigan qaab ciyaareed la jecleeysan karo kusoo bandhigay kooxda Alteltico Madrid oo uu hada ku suganyahay.