Home Somali #Neymar:Man Utd ayaa £500m ku dooneysa Neymar

#Neymar:Man Utd ayaa £500m ku dooneysa Neymar

Manchester United ayaa diyaar u ah inay €500 milyan oo euro ku dooneyso weeraryahanka Paris Saint-Germain Neymar, sida laga soo xigtay Le 10 Sport .

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay Markii Hore hogaamineyso tartanka loogu jiro ciyaaryahanka reer Brazil, lakiin waxa ay ku bixi karaan kaliya 400 milyan oo euros.

Taas ayaa albaabka u furaysa Jose Mourinho inuu ku biiro tartanka islamarkaana uu ogolaaday inuu heshiis la qaato qandaraaskiisa.

Sidaa darteed naadiga Man United ayaa diyaar u ah inay saxiixa Neymar ku garaacdo Real Madrid weliba ay kusoo qaadato €500m marka uu xili cayaareedkan soo idlaado.

Shabakada France laga leeyahay Le10 Sport ayaa qortay in Man United ay diyaar u tahay dhigeeda Paris inay ku wareejiso €500m (£444m) si ay saxiixa Neymar kaga dul qaadaan.

Maamulka PSG diyaar ayay u yihiin inay Man United ganacsi la sameeyaan waxayna dhibsadeen sida aan wanaagsaneyn ee Real Madrid kaga tilaabsaday oo ay Neymar iyo aabihiis ula hadleen.

Man United xagaagii 2016 Paul Pogba ayay lacago rikoor ah £89m kaga soo qaateen PSG sidaa darteed xagaagan inay Neymar markale ka dhigaan saxiixa aduunka ugu qaalisan waxba lama noqon doonto waa hadii ay xidigaan ogolaansho ka helaan.