La Wadaag

Wakiilka Ciyaariyahanka Qaranka France Patrice Evra ayaa sheegay in ay jiraan kooxo fara badan oo doonaya in xidigaasi ay la saxiixdaan kadib markii laga Buriyay kooxda Marseile

Evra ayaan hada koox ka Tirsaneyn Jimcadii la soo dhaafay ayaana laga Buriyay kooxda Marseile kadib markii uu Haraatiyay midkamid ah Taagerayaasha Kooxda Marseile

Wiilka France u dhashay ayaa wuxuu ganaax adag kala Kulmay UEFA oo xidigaasi Guud ahaan Tartamada ay Maamusho ka Ganaaxday ilaa iyo Bisha June 2018 kooxdiisa Marseile ayaa Evra iyana ku Ciqaabay in uu isaga dhaqaaqo kooxda Marseile

Federico Pastorello oo ah Wakiilka Patrice Evra ayaa sheegay in Evra uu dhawaan Garoomada ku soo laaban doono isagoo ka dhawaajiyay in ay Jiraan kooxo dhowr ah oo Baadi Goobaya Adeega Patrice Evra

“waa ogyahay Evra in uu Qaldanaa laakiin waxyaabahaasi oo kale Xirfadiisa ma Saameyn doonaan waxaa durba nala soo Xiriiray kooxo dhowr ah “

Pastorello ayaa Been abuur ku Tilmaamay wararka Evra la xiriirinaya kooxda Napoli isagoo Evra 3 sano ku soo Qaatay Dalka Talyaaniga oo Juventus uu la Joogay ka hor intii uusan January 2017 ku Biirin kooxda Marseile oo dhawaan laga Buriyay

Leave a comment

La Wadaag
REPORTER

I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer.
I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it.
I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.