SHARE

Golaha Wakiillada Maamulka Somaliland ayaa ansixiyay qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada ee uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Maamulka Somaliland  Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirrada maanta kalsoonida ka helay golaha wakiillada waxaa ay gaarayaan 10 Wasiir iyo labo wasiir ku xigeen,kuwaas oo cod gacan taag ah kalsoonida ku helay.

61 Xildhibaan ayaa fadhiday kulanka maanta Wasiirrada cusub lagu siinayay codka,waxaana wasiirrada kalsoonida Golaha wakiillada helay kala yihiin.

Wasiirka Xanaannada Xoolaha

Wasiirka Caafimaadka

Wasiirka horumarinta Maaliyadda

Wasiirka Waxbrashada

Wasiirka Beeraha.

Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta

Wasiirka howlaha guud

Wasiirka arrimaha bulshada

Wasiirka Diinta

Wasiirka Biyaha

Wasiir ku xigeenka  Xannaanada xoolaha iyo kuwo kale.

Xukuumadda Muuse Biixi ayaa wali kala dhiman iyada oo ay wali socdaan latashiyo uu ka sameynayo dhismaha Golaha Wasiirrada.

Leave a comment