Home Somali #Qarax khasaare geystay oo saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho

#Qarax khasaare geystay oo saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho

SHARE

Ugu yaraan 3 Askari ayaa ku dhaawacantay kaddib markii saaka uu Qarax ka dhacay Xaafadda Haanta dheer ee Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.

Qarax ayaa dhacay kaddib markii Gaari ay la socdeen uu dul maray miino Waddada lagu aasay,goobjoogayaal ayaa u sheegay Warbaahinta in ay arkeen dhaawac saddexda Askari.

Ma jiro khasaare kale oo la soo wariyay in uu ka dhashay Qarax ka dhacay Waddada isku xirta Ex-Koontarool iyo Haanta Dheer,waddada aadda dhinaca Warshadaha.

Gaariga Miinada haleeshay ayaa lagu sheegay in uu ahaa nooca Cabdi Bilaha ee ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya adeegsadaan.