La Wadaag

Maalin ka dib markii taliyaha ciidamada qalabka sida uu soo saaray digniin si uu u joojiyo nadiifinta xubno ka tirsan xisbiga talada haya ay wadaan, gawaarida milatariga iyo taangiyada ayaa la soo sheegay in lagu arkay iyaaga oo kusii jeeda Harare.

Gaadiidka gaashaandhiga iyo askar saarneyd ayaa kusii qulqulaayey  magaalada caasimadda ah ee Harare Talaadadii.

Warar soo baxayay ayaa sheegaya in ciidamadu ay ka digeen in ay talaabo ka qaadi donan dawladda haddii madaxweyne Robert Mugabe uu sii wado xilka ka qaadis hogaamiyeyaasha talada haya ee xisbiga ku jiraa.

Waxaa jiray warar badan oo laga soo sheegayo in halkaas ay cidamadda ku hararsan yihiin madaxtooyadda iyo xitaa fiidiyowyo dhanka warbaahinta bulshadda la soo dhigay ayaa mujinayey gawaarida gaashaandhiga oo soo galaya Harare oo ku yimid Waddada Chinhoyi. Warbaahinta Bara bulshadda ayaa waxaa laysla dhex maraya siyaasadda cakiran ee zimbabwe ee sii xumaneysa xaga ay ku dambeyn doono in kastoo wax garad reer Zimbabwe ah ay ka digaan in dalka afgambi ka dhaco.

Wariye ku sugan Harare, oo la hadlay Idaacda laska arko ee Turkiga  ayaa shaaca ka Waxaa aan dad aysan caadeysan oo ay hadda arkayan waxaa weyee  tangiyadda iyo baaburta qafilaan oo cidamo ay ka buxaan oo dhuban wadooyinka magaladda: “waxaayna sitaan oo ay la soo galeen magaladda hubka ugu weyn.”

Waxa uu sheegay inuusan rumaysanayn in afgambi dhacay ama in Mugabe geeriyodey.

Waxaa uu sheegay bulshadda degaanka ku ah magaladda Harare ay u muuqdaan kuwo nolol maalmeedkooda caadiga ah wata, Inkasto  lagu wargaliyey dadka magaalada jooga lagu taliyay in ay ka baxaan waddooyinka 6 fiidnimo wíxii ka dambeya

Dhaqdhaqaaqa ugu wayn ee mucaaradka ee isbedelka dimuqraadiyadda (MDC) ayaa ku baaqay xukun rayid ah in lagu difaaco waxyar uun kadib markii uu hanjabaada hawada soo mariyey mudane Chiwenga.

Turjume Ali Musa

Leave a comment

La Wadaag
REPORTER

I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer.
I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it.
I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.