La Wadaag

48 sano kadib Soomaaliy ayaa u hanqal taageysaa hirgelinta nidamka Xisbiyada badan ee dalka si looga gudbo hanaanka awood qeybsiga beelaha ee 4.5 oo ay ku dhisantahay dowladda hadda shaqeysa sidoo kalana ay kusoo shaqeeyeen muddo badan dowladihii hore ee KMG u badnaa.

Ku dhawaad 10 Xisbi Siyaasadeed ayaa gudbiyay codsiga is diiwaan gelinta ka mid noqoshada xisbiyada Siyaasaded ee dalka oo marka la gaaro 2021-ka ku tartami doona xilka madaxnimo ee dalka oo la rajeynayo inay u dhacdo qaab ah codeyn shacab.

Iydoo ay jirto hanqal taagaas ku aadan in 2021-ka ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah baarlamaanka Soomaaliyana ay arintaas meel mariyeen 2016-kii hadana waxaa jira arimo badan oo u bahaan inwax badan laga qabto kuwaas oo curyaamin kara rajada doorashada soo aadan laga qabo.

Waxaa marag madoonto inay jiraan culuysyo badan oo dhan walbo ah oo heysta dowladda dhexe ee Soomaaliya kuwaas oo suura gal ka dhigi kara inay wax badan suuroobi waayaan , inkastoo hadii la sameeyo dadaal badan lagana run sheego balan qaadyadii hore ee lagu doortay madaxda qaranka ay waxbadan qabsoomi karaan .

Xasuusin

Hadii aan dib u mulicsano doorashadii Muqdisho lagu doortay markii ugu horeeysay madaxweyne Soomaaliyeed waxaa mudnaanteeda iyo amaanteeda leh Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed , waxaana si xur iyo nabad gelyo ah lagu doortay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud .

2012-ka markii la doortay madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud waxaa jiray hanqaltaag la mid ah midka hadda na heysta ee ah in 2021-ka ay dhacdo doorasho qof iyo codka ah waayo xilligaas waxaa rajo laga qabay in 2016 ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah inkastoo uu jiray tuhunka ah in aanay suura gal aheyn .

Inkatoo dowladdii madaxweyne Xasan ay sameysay dadaal badan hadana waxay ka badin weysay dhismaha maamul goboleedyada dalka oo qaarkood uu waqtiga ku dhamaaday iyadoo si wanagsan aan loogu heshiin oo uu muran badan jiro kaas oo illaa hadda socda ama taagan .

Doorashadaas waxay dhacday iyadoo wali dowladda Soomaaliya aanay hanan inta badan qeybo kamid ah gobolada dalka , hayeeshee dowladii Xasan Sheekh ayaa ku guuleysatay arimo ay ka mid ahaayeen in Al-shabaab ay waayaan deegaano iyo degmooyin sanado badan ay ku sugnaayeen oo Muhiim u ahaa ,hirgalinta Maamulada dalka , dib u dhiska dalka iyo arimo kale hayeeshee suuragal manoqon dhismaha nidaamka xisbiyada dalka .

Inkastoo ay jireen dagaalo iyo qaraxyo ay geysanayeen Al-shabaab hadana sida maanta ay u soo xoogeysteen ama ay dhaq dhaqaaqyada u muujiyanaan uma aanay taagbadneyn waxaana taasi badalkeeda soo kala dhex galay khilaaf sababay inay iska laayaan Hogaamiyaal sar sare oo cadaan iyo Soomaali isugu jiray halka kuwa kale ay ka baxsadeen .

Doorashadii Madaxweyne Farmaajo

Doorashada Madaxweyne Farmaajo waxay Muqdisho uga dhacday si nabad galyo ah xur iyo xalaal ah waxaana ku mahadsan oo dadaalkeeda lahaa madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud , waxaana ay doorashadaas u dhacdy si lamid ah tii 2012 inkastoo ay muuqanayeen taxadar weyn oo dhanka amniga ah oo sababay in wadooyinka qaar dhagxaan lagu xiro amnigana si aad ah xil weyn la isaga saaray .

Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweyne Farmaajo iyo madaxdii kale ee ka horeysay sida allah ha u naxariistee C/laahi Yuusuf Axmed iyo C/qaasim Salaad Xasan , waxaa y ka wada sinaayeen habka lagu soo doortay ee awood qeybsiga beelaha 4.5 oo loo arkay xalka kaliya ay Soomaali wax ku qeybsan karto .

Nidaamkan awood qeybsiga beelaha ee 4.5 waa midka ay hadda dowladda qaran ee Soomaaliya ay ku dhisan tahay waana nidaam odayaasha dhaqanka ay keenaan xildhibanada beesha ay kasoo jeedaan matali lahaa iyadoo inta badan loo eego siyaasiga ugu qarashka badan ama odayaasha soo xulaya afka u buuxin kara inkastoo qaar badan aqoontooda iyo waxqabadkooda lagu soo xulay.

Ka gudubka nidaamka 4.5 iyo hirgalinta doorasho qof iyo cod ah

Ka gudbidda nidaamkaas ayaa loo arkaa Faa’iido weyn madaama doorasho qof iyo cod ah ay ka xamaasad, xiiso, wanaagba ka badan tahay mida lagu soo doortay nin jecleysi, musuq iyo ujeedooyin kale oo dano gaar ah laga leeyahay .

Hadaba iyadoo ay jiraan culeysyo badan oo siyaasadeed, dhaqaale iyo amni suura gal matahay in 2021 ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah? iyadoo waliba aysan dowladdu heysan ciidan Soomaaliyeed oo ku filan amniga dalka , qeybo badan oo dalka ay ka taliyaan Al-shabaab , mowjado siyaasadeed oo qaarkood salka ku haya khilaafka Qaliijka Carabta iyo mid gudaha dalka ah oo ay sii dheertaya mucaarad cusub oo inta aanay dowladduba gaarin sanad soo shaacbaxaya , dowladda dhexdeeda oo khilaaf ugub ka yahay.

Isweydiin

Hadaba Sidee Caqabadahaas looga gudbi karaa? Door intee la eg ayay shacaka ka qaadan karaan in 2021-ka dalka laga hir galiyo dalka doorasho qof iyo cod ah ? Siyaasiyiinta Mucaaradka maxaa la gudboon? Tilaabo nuucee ah ayaa haboon inay dowladdu qaado? sideysa rajadaas u rumeyn kartaa ?

Leave a comment

La Wadaag
REPORTER

I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer.
I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it.
I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.