La Wadaag

Raysal Wasaaraha is casiley Saad Hariri ayaa sheegay in uu wanaagsan yahay oo uu ka soo noqo doono Saudi Arabia labada maalmood ee soo socda.
Raysulwasaaraha Lebanon Saad Hariri ayaa Talaadadii ku dhawaaqay inuu ka soo ambabixi doono Saudi Arabia labada maalmood ee soo socda.

“Waxaan dareemayaa wanaag, waxaan ku soo laaban doonaa Lubnaan laba maalmood gudahood,” ayuu Hariri ku qoray Twitterkiisa.

“Qoyskaygu halkan ayey ku nool yihiin Sucuudi Carabiya, boqortooyadii wanaaggsaneyd,” ayuu raaciyay.

Bishii Nofeembar 4-keedii, Hariri ayaa ku dhawaaqay istiqaalad ama is casimaalada halkaas oo uu faafiyey telefishanka Sucuudiga.

Madaxwaynaha Lubnaan Michel Aoun ayaa diiday inuu aqbalo iscasilaadiisa, kaas oo ku saleyey duruufo qarsoodi ah, illaa iyo inta uu Hariri ku laabanayo dalka.

Lubnaan ayaa ku adkeysanaysa in is casilaada laga qasbay Hariri’s oo ay ku qasbeen saxiibadiisa Sacuudiinta ah iyo in isaga laga dhigay xabsi guri, boqortoyadda sacuudiga ayaa ka soo horjeeda rabitaankiisa.

Hariri ayaa dhankiisa diidey isaago ku sheeegay wareysi uu siiyay Axadda Tvga waxaana uu sheegay in uu ku laaban doono Lubnaan mudo labo maalin gudahood.

Qaar ka mid ah saraakiil Lubnaaneysa ah ayaa qaba in ay wanaagsanan laheyd in uu soo kaxeysto qoyskiisa, sidaas hadii uu sameyo waxaa uu xor u ka xorobi kara cadaadiska Sacuudiga ay ku hayso.

Xiisadda Iran iyo Sacuudiga

Hariri ayaa isku casiley sababo lala xiriirinaayo xisaada ka dhexeeysa kacdoonkii Sacuudiga iyo Iran.

Hezbollah, oo taageersan Iran, hadana sidoo kale ah xubin ka mid ah xukuumada isbahaysiga ee Hariri, ayaa is casilay ka biyo diiday oo ku tilmaamtey qalqal siyaasadeed oo uu Sacuudiga doonayo in uu galiyo Lubnaan in ay tahay arrintaas, waxaana uu ku baaqay in uu soo noqdo hariiri oo arrinka laga wada tashado.

Hariri, oo ah lmuwadi labo dhalasho leh Lebananeys iyo Sacuudiyaanba, waxaa sidoo kale uu ku leyahay guri Sacuudi Carabiya. Xaaskiisa iyo carruurtiisuba waxaay ku noolaayeen Sacuudi Carabiya sanado badan.

Midowga Yurub wuxuu taageerayaa soo noqoshada Hariri

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Lubnaan Gibran Bassil ayaa u duulay magaalada Brussels lugta koowaad ee safar gaaban oo yurub ah kaas oo looga golleeyahay in uu taageero diblomaasiyadeed oo dalka ah ka dib markii uu is casilay hariiri.

Intii lagu guda jiray kulanka Bassil la yeeshay madaxa Midowga Yurub Federica Mogherini, wuxuu ku adkeeyay taageerada Midowga Yurub ee ah “xasilloonida, midnimada, dareenka iyo madax-bannaanida,” sida lagu sheegay bayaanka xafiiska ka soo baxaay.

“Wakiilka Sare / Madaxweyne Ku-Xigeenka Mogherini wuxuu filayaa isaga iyo qoyskiisa in ay ku soo laabtaan Lebanon maalmaha soo socda” ayaa lagu yiri hadalka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Edouard Philippe ayaa Talaadadii sheegay in Hariri ay tahay in ay awood u leedahay in ay dib ugu soo noqoto dalka Sacuudi Carabiya si ay u soo afjarto hubin la’aanta sababtoo ah iscasilaadiisa naxdinta leh ee ra’iisal wasaaraha.

Waxaa la wada sugaaba waa malmaha soo socda oo uu lubnaan dib ugu laabto Harir

Leave a comment

La Wadaag
REPORTER

I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer.
I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it.
I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.