Kadib markii ciidamo ka tirsan Maamulka Magaalada Dhuusamareeb xabsi guri ay ka dhigeen Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa banaan ee dalka Xaliimo Ismaaciil, ayaa maanta kulan raali gelin waxaa ugu tagay madaxa Xukuumadda Galmudug.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan madaxa Xukuumadda Galmudug iyo Odayaal ka soo jeeda deegaanka ayaa kulan ugu tagay guri Magaalada Dhuusamareeb ay ka degan tahay Xaliimo Yarey.

Xaliimo Yarey ayaa waxaa looga hoyday qaladkii lagu xiray ee xabsi guriga looga dhigay, halka sidoo kalena la fasaxay darawalkii u waday gaariga oo ciidamada shalay galab ay xireen.

Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa sheegay inay ka xun yihiin qaladka lagu xiray Gudoomiyaha Guddiga Doorashada madaxa Banaan Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey).

Waxa uu soo dhaweeyay tallaabada ay ugu gogol xaareyso nidaamka doorasho ee dalka sanadka 2021 ee ah qof iyo cod.

Xaliimo Yarey ayaa aqbashay in looga soo hoyday qaladkii ay ku xanibeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana ay ku koobeen dhaqdhaqaaqeeda Magaalada Dhuusamareeb iyo inaysan guriga ka bixi karin.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa socdaal shaqo ku mareysa deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.