La Wadaag

Xulka qaranka Senegal ayaa xalay u soo Baxay koobka aduunka ee 2018 kadib markii ay ka adkaadeen Qaranka Koonfur Afrika.

Senegal ayaa xalay 2-0 waxay kaga Adkaadeen Marti Galiyayaashii Koobka aduunka ee 2010 oo ah Koonfur Anfrika Ciyaar xiiso badneyd oo ka dhacday.

Laacibka kooxda Liverpool Sadio Mane ayaa xalay u sahlay Senegal in ay u soo Baxaan koobka aduunka ee 2018 kadib bandhig wanaagsan uu sameeyay.

Mane ayaa horay ugu dhaawacmay gudashada waajibaadka Qarankiisa laakiin Mane ayaa soo laabtay kulankii Kooxdiisa Liverpool ay Qasaaro 4-1 ah dusha uga Tuureen kooxda Hammers.

Sadio Mane ayaa Ciyaartii xalay xulkiisa ay ugu soo baxeyn koobka aduunka ee 2018 Ciyaaray 90 Daqiiqo waxaana uu sameeyay bandhig aad u wanaagsan oo soo Jiitay Dadka Senegal u dhashay ee Ciyaartaasi Daawaday.

Waa Markii labaad ee Taariikhda Qaranka Senegal ay u soo Baxaan koobka aduunka.

Gool uu dhaliyay Diafra Sakho oo weerarka uga Ciyaara Westham United iyo Laad uu soo Tuuray oo uu si Khaldan isaga dhaliyay Daafac Koonfur Afrika u Ciyaarayay ayey ugu Fududaatay Senegal in ay u soo Baxaan koobka aduunka ee 2018.

Leave a comment

La Wadaag
A.M

I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer.

I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it.

I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.