Aguero, oo 29 sanno jir ah, ayaa dareemay xanuun jilibka bidix inta lagu guda jiro tababarka sabtidii, waxaana hubaal ah inuu seegi doono kulanka City ay la ledashay Stoke City habeenka Isniinta.

Weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero ayaan ka qeyb noqon doonin kulanka ay kooxdiisa martida u tahay Stoke City kadib markii dhaawac dhanka jilibka ah uu soo gaaray.

29-jirkaan heerka caalami ayaa dhibaato ay kasoo gaartay tababarkii ugu dambeeyay ka hor inta aysan u safrin garoonka Bet 365, mana kasoo muuqan doono kulanka habeen dambe.

Sida waaxda caafimaadka Manchester City ay xaqiijiyeen, xidiga reer Argentina wuu seegayaa kulanka Stoke City, mana soo laaban doono ilaa 31-ka Maarso.

Sergio Aguero lama oga hadii uu ka qeyb gali karo kulanka saaxiibtinimo oo ay la ciyaari doonaan Italy, 12-maalmood ayaana ka hartay, afar maalmood kadibna Spain.