La Wadaag

Nolosha aadanuhu kuma safarto waddo toosan oo biime ah balse waa mid murugsan bilow iyo dhamaadba isku xiran yihiin.

Sidaa aad adigu rabto kuma shaqayso, qorshayaal badan oo aad dajisay oo aysan kuu muuqan wax caqabad iyo qallooc ah oo badali kara ayaa fashil iyo filanwaa ku dhamaado. Marki qasaare ama hungow caynkaas ah kugu dhaco lama quuste qorshe kale iyo sixid wixii is daba maray ah ayaa la galaa.

Sidaa awgeed noloshu nooci ay rabtaa ha ahatee waxay ku socotaa “tijaabo iyo qalad) trial and error”.

Mansab walba oo aad hayso qalad wuu dhici. Marar badan adigoo leh wax hagaaji ayaad gali qalad kan ugu xun uguna wax yeealada badan. Madaxdii gashay qaladaadkii ugu wax yeelada badnaa aduunka waxaa ka mid ahaa madexweynihii hore shiinaha Maa Zedong.

Mao waxa uu ahaa aasaasihii jamhuuriyadda Shiinaha 1949. Wuxuu xukunka qabtay waqti shiinuhu dhibaatooyin badan oo is biirsaday ay haysteen. Guumaysi gudaha ah oo kuwa hantiilayaasha ah ay ku hayeen kuwa cayrta, guumaysi dibada ah oo kaga imaanayay quwadihii reer yurub iyo Japan, gaajo, abaaro iyo cuduro aan kala go lahayn ayuu dhaxeeyay dalka Shiinihu.

Sidaan ugu riyaaqnay doorashadii Farmaajo si la mid ah ayaa loogu farxay imaanshihii Mao. Wuxuu isla markiiba qaaday tallaabooyin uu ku doonayay inuu wax ku saxo laakiin musiibooyin horseeday.

Tii ugu horaysay ee uu qaaday waxay ahayd inuu shaqo ka qabto hantiilayaashii masaakiinta adoonsan jiray. Maal-qabeenadaan oo ahaa tiro ahaan kuwa yar marki loo eego shacabka guud ayaa dhulka oo dhan lahaa, shacabka intiisa kalana wuxuu ahaa mid iyaga u shaqeeyo oo ay beeraha ku fashaan.

Sidaa darteed wuxuu bilaabay inuu ceebeeyo ka dibna laayo maal-qabeenadi dhulka lahaa. Qiyaaska ugu yar ayaa sheegayo in la dilay 4,500,000 (afar milyan iyo shan boqol oo kun) oo ah kuwii ugu jeebka waynaa Shiinaha. Mao oo isku dayay inuu yareeyo tirada dadka amarkiisa lagu laayay wuxuu yiri waxaa la dilay 800,000 (sided boqol oo kun) oo kaliya.

Sideed sano ka dib Mao wuxuu hadana qaaday tallaabo kale oo uu is lahaa dalka ayay horumar gaarsiin doontaa, taasoo uu u bixiyay “Tallabadi horay loo qaaday”. Tallaabadaan ayaa ahayd mid uu ku doonayay in dib u habayn ku sameeyo dhaqaalaha dalka si isku filnaasho ay u gaaraan dadkiisu.

Laakiin natiijadi arintaas waxay noqotay inay dhintaan malaayiin kale oo shiinays ah. Intii u dhaxaysay 1958-1962 oo ahayd waqtigii qorshahaas meelmarintiisu socotay waxaa gaajo u dhimatay tiro u dhaxayso 20-43 milyan oo qof, labo milyan iyo bar kale waa la dilay halka ilaa sadex milyan oo kalana ay iyagu is dileen. Isku dar tiro ugu yaraan konton milyan oo qof ah ayuu sabab u noqday qorshihii Mao ku doonayay inuu dalka ku hormariyo.

Intaas kuma uusan joogine afar sano ka dib ayuu hadana la yimid qorshe kale oo uu ku doonayay inuu dad dhaqankooda ku saxo kaasoo la magac baxay “Kacaankii Dhaqanka”. Kacaankaan oo socday muddo toban sano ah wuxuu galaaftay nolosha dad ka badan toban milyan oo qof.

Mao muddo sided iyo toban sano gudahood ah wuxuu ku dilay dad gaarayo lixdan iyo shan milyan oo qof. Mar lagu yiri war dadki dhamaaye sideed wax ku waddaa waxa uu ku jawaabay “Kacaanku daamaashaad maahan” oo ula jeeday kacaan is badal doon ah haduu yimaado tallaabooyin aan haboonayn ayaa la qaadi si loo gaaro meesha loo socdo.

Qaladaadkaas tirada badan iyo dhiiga daaday ka dib, Shiine wuxuu cakta saaray tubti horumarka maantana waxa uu noqday dalka ugu dhaqaalaha badan aduunka, ugu horumarsan xagga dhisamaha si xawli ahna ku socdo xagga horukaca. Mao isagu waxaa loo aqoonsaday aabihii qaranka laakiin qaladadkiisi lama ilaawin ee waa la diiwaan galiyay.

Tusaalooyinka aan soo qaatay oogama jeedo inaan ugu cudur daaro qaladaad ay galeen madaxda dalka, gaar ahaan midda hadda lagu haysto Farmaajo. Sidii ay ku dhacdayba arinta muwaadin Qalbi waa mid na wada gubayso oo aan sinnaba loogu cudur daari Karin. Waa arrin aysan ahayn in laga aamuso ilaa ciddii ka danbaysay la ogaado tallaabo ku habboona laga qaado.

Laakiin dalku Farmaajo maahan iyo maamulkiisa. Barri ayay tagi sidii kuwii ka horeeyayba u tageen. Dalkeenu hadda wuxuu ku jiraa marxalad adag oo la mid ah middii uu ku jiray Shiinihu waqtigii Mao yimid.

Inta lagu jiro xaalaadaan waxaa dhici qaladaad badan oo fool xun, dhiig shacab ayaa daadan sida kuwii Maykaareebay, Jilib iyo Bariire. Muwaadiniin ayaa lagu xad-gudbi sida Qalbi iyo kuwa Maraykanku ku jir dilo xabsiyada dhulka hoostiisa ku yaal, bad iyo barriba qalad aan la filayn ayaa ka imaan, madaxdii imaataba qalad aan la qaadan Karin ayay gali.

Intaas oo dhib ah iyo kuwa kale oo badan ayaa dhici iyadoo la doonayo in wax la hagaajiyo. Laakiin ugu danbaynta waxaa la gaari guul nagu nasto iyo nabad nagu seexdo.

Sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah inaan Samir dugsano, dulqaad yeelano niyadana wanaajino innagoon kaa aamusayn wixii dhaco oo qalad ah. Cabashadu waa muhiim waana furan tahay laakiin quusta iyo niyad jabka ayaa meesha ku jirin, niyadana waa inaanan ka saarin in guusha aan lagu gaarin “damaashaad”.

W/Q: Ibrahim Aden Shire
Ishire86@gmail.com
https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk

Leave a comment

La Wadaag
A.M

I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer.

I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it.

I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.