Home Somali #Southampton 0 Liverpool 2: Firmino iyo Salah ayaa wacdaro ka dhigey garoonka

#Southampton 0 Liverpool 2: Firmino iyo Salah ayaa wacdaro ka dhigey garoonka

SHARE

Kooxda kubada cagta Liverpool, ayaa guul muhiim ah waxay kaga gaartay dhigeeda Southampton, taasoo joogta garoonkeeda, waxayna kusoo daartay naadigaan goolal ay ka heshay ciyaartoyda Maxamed Saalax iyo Roberto Firmino.

Goolasha labadaan wiil, kuwaasoo yimid qeybta kowaad ayaa waxaa Bandhiga daah-furay weerar yahanka reer Brazil ee Roberto Firmino, kaaso shaqaba soo taabta daqiiqadii 6aad ee qeybta koowaad.

Goolkaas kadib, Southampton ayaa xusul duub waxay ugashay sidii ay isaga soo gudi lahayd goolkaan lagu leeyahay, waxayna ku guul dareysatay inay soo aarto qeynihii hore ee ciyaartaan, inkastoo ay ku dhawaadeen.

Maxamed Saalax, ayaa wuxuu ulabeeyay Southampton, Daqiiqadii 42aad ee qeybta koowaad, wuxuuna ka dhigay laacibkaan reer Masar 2-0.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa qeybta koowaad waxaa lagu kala baxay 2-0, oo ay ku horboodeyso kooxda uu wato macalinka Dheer ee Klopp.

Markii dib leyskugu soo laabtay waxay lasoo galeen labadda kooxood dar-dar xoog leh, waxayna doonayeen inay helaan goolal kale.

Bedalo kala duwan oo ay sameeyeen uma aysan suura-gelin, oo waxay kusoo dhamaatay guud ahaan ciyaarta 2-0 oo ay ku badisay naadiga Liverpool, iyadoona uga dhigan tahay soo galeyso kaalinta Saddexaad.

SHARE
REPORTER
I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer. I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it. I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.