Home Somali #Tababare Zidane Oo Ka Hadley Dareenkiisa Ku Aadan Inuu Shaki Ku Jiro...

#Tababare Zidane Oo Ka Hadley Dareenkiisa Ku Aadan Inuu Shaki Ku Jiro Waayihiisa Real

Kadib markii ay Bareejo la galeen habeenkii xalay ahaa kooxda Numancia, kulankii ka tirsanaa lugta labaad ee Copa del Rey, ayaa macalin Zinedine Zidane, wuxuu dhiibtey dareenkiisa ku aadan inuu shaki ku jiro waayihiisa kooxda reer Spain.

Los Blancos, oo inkastoo aysan badin kulankaas oo kusoo dhamaadey 2-2, ayaa waxay usoo baxdey wareega Sideeda ee tartankaan, maadaama lugtii koowaad ay shaqeysatay misana ay kusoo badisey 3-0.

Kadib ciyaartaas ayaa Zidane, wuxuu qiray inuu nugul yahay inuu waayo booskiisa, islamarkaana hadii ay sidaan wax kusii socdaan uu noqon doono heshiiska uu hada ku joogo Real Madrid, mid aanan waxba ahayn.

“Waxa aan usocon donaa kulanba kan ku xiga, sanadba kan kale ku xiga,” waxaa sidaas sheegay Farsamaqayaankaan Faransiiska kasoo jeeda

Wuxuu hadalkiisa ku daray: “Anigoo og sida ay tahay meeshaan, marnaba uma maleynayo inaan Labo sana ama sadex sano oo xiriir ah inaan ahaan doono, xitaa hadii aan haysto heshiis, kaasoo ka dhignaan doona waxba.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay hadalkiisa: “Ma ahan wax fudud in ciyaartoyda ay dheelaan in yar. Waxaan dheelnay kulan wanaagsan. Laga yaabee inaan ubaahneen dhamaadka farxad badan